|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
|
agoonta.net 17-05-10
Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin). Waxaa deeq lacageed lasoo gaarsiiyay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU) oo ay ku nool yihiin agoon ay tiradoodu tahay 112 agoon, oo 40 ka mid ah agoontaas kaliya aay haystaan kafaalo joogta ah.Deeqdaan lacageed oo gaareysay $330 (saddex boqol iyo soddon doolar) ayaa waxaa soo diray qaar ka mid ah haweenka soomaalida ee ku nool wadanka Netherland (Holland) iyagoo u wakiishay inuu agoonta lacagtaas gaarsiiyo Axmed Sh. Muumin oo ka mid ah wakiilada Xawaaladda Amaana online ee dalka Holland. Haweenkaas reer Holland iyo Nasro Mux'ed Xuseen oo degan USA oo iyadana $50 (kontan doolar) u soo dirtay agoontaas dhammaantood waxaan Alle (SWT) uga baryeynaa inuu sadaqadii ay la baxeen ugu bedelo dembi dhaaf, kuna xafido wadamada ay joogaan iyo Jannatul firdoows maalinta qiyaamo insha'allaahu (Aamiin).
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net Copyright ©2007-2010 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye |
|
|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan Riix Halkaan |