Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 

  



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushooda ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa, Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin). 

Waxaa todobaadkaan lasoo gaarsiiyay xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne kaalmo lacageed oo tiradeedu tahay $500 (Shan boqol oo doolar), deeqdaas lacageed oo ay soo direen qaar ka mid ah ganacsatada ku nool dalka South Africa, iyagoo usoo marsiiyay ama kusoo hagaajiyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, kaalmadaan ama deeqdaan lacageed oo Ugaaskuna ku hubsaday maamulka Agoonta ayaa ku soo beegantay xilli ay baahi weyn u qabeen.

Haddaba Agoonta ku xareysan Xaruntaas, shabakada agoonta.net & maamulka Agoontuba waxay wada jir ugu mahad celinayaan walaalahaas ganacsatada dalka South Africa ee Alle dartiis usoo caawiyay agoonta iyo dhammaan inta mar walba u taagan caawintooda.

Jazaakumu Allaahu kheyran dhammantiinba.

Maamulka agoonta.net 

                                                                                     Go to homepage          

    Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net