Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif oo lagu aas aasay Magaalada Nairobi

Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif (Ugaas Khaliif Foundation - UKF) ayaa dhawaan lagu aasaasay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, hadafka laga leeyahay aasaasida sanduuqan khayriga ah waa in lagu kaalmeeyo dadka dhibaataysan oo ay ugu horeeyaan, agoonta, naafada, dadka saboolka ah dadkaas oo ku sugnaan kara meel walba oo ay dad Soomaaliyeed ku nool yihiin.
Sababaha kale ee loo aasaasay sanduuqan waxaa ka mid ah ka hor tagga dhibka ka imaada xaaladaha deg degga ah (emergency) sida fataahada wabiyada, abaaraha iwm.

Si howsha sanduuqan ay si fiican ugu socoto ayuu Ugaas C/raxmaan u xil saaray guddi ku sugan magaalada Nairobi inay mas’uuliyada guud ee sanduuqan qaadaan, in kastoo ay la shaqayn doonaan guddigan dhammaan dadka khayrka jecel ee adduunka ku kala firirsan.
Waxaa dhammaan dadka khayrka jecel laga codsanaayaa inay nala soo xiriiraan si ay arrinkan nagala shaqeeyaan.
Sanduuqu wuxuu si gaar ah u danaynayaa dad u matala magaalooyinka kala duwan ee adduunka si uu u guto howshiisa.
Haddii aad rabto inaad sadaqaysato lacag ama waqtigaaga qaaliga ah fadlan nagala soo xiriir:
254-722-727-345 ama 254-722-523-395

Waxaad kale oo aad nagala socon kartaa faceebook: http://www.facebook.com/UgaasKhaliifFoundation?fref=ts

Haddii aad rabtid in aad toos ula xariirtid Ugaaska, waxaad ka wici kartaa telefoonkiisa +254722907283.

Wixii sadaqo ah waxaad noo soo dhigi kartaa Xawaaladda Amaana xafiisyadeeda kala duwan ee adduunka. Fadlan u sheeg inaad lacagtaas sadaqada ah ugu tala gashay Ugaas Khaliif Foundation.

Waxaa kale oo aad noo soo dhigi kartaa wixii sadaqo ah:



GulfAfrican Bank, Kenyatta Avenue Branch, Nairobi.
Account Name: Ugaas Khaliif Foundation.
Dollar Account Number: 0720003402
Kenya Shilling Account Number: 0720003401.

Gudiga Sanduuqan ee Nairobi

1-   C/risaaq Axmed Maxamed      Guddoomiye
2-   C/Qaadir Sheikh Muumin      Guddoomiye ku xigeen
3-   Cabdi Salaad Daahir                 Xoghayn
4-   Cabdiraxmaan Aw-Daahir       Xubin
5-   Fatxudiin Cali Ospite               Xubin
6-   Sheikh Abukar Jimcaale         Xubin

Xubnaha wadamada kale

1- Maxamed Cabdi Waydoow             (Hiiraan)
2- Xasan Cismaan Xuuriye                 (Somalia/Norway)
3- Maryan Xaaji Cilmi                         (UK)
4- Sucaada Diiriye                                 (USA)
5- Cabdulqaadir Cali Cabdi (Xuurka) (USA)