|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
|
Mirihii Agoonta Ugaas Khaliif oo durba soo ifbaxay Waxaan halkaan uga hadleynaa qormo ku saabsan ((mid ka mid ah faa’iidooyinkii ugu horeeyay ee laga gaaray X.A.U. ee B/weyne)), taas oo ah in qaar ka mid ah agoontii ugu horeeysay ee lagu aas-aasy Xarunta Agoonta Ugaas-Khaliif ee B/weyne sannadkii 1998kii ay dhameysteen wax barashada dugsiga sare sida Abuukar Ibraahin Nuune qaar kalena ay dhawaan soo dhameysan doonaan insha'allaah taas oo faa’iido weyn u leh bulshada islaamka gaar ahaan Soomaalida & weliba intii gacanta ka geysatay kaalmada agoontaan.
Maxaa ka mid ah Faa’iidooyinkaas? Haddii aan ka hadalno wax la taaban karo (Faa’iidoo-yinkaas) waxay tahay in Abuukar I. Nuune markii uusoo dhameystay dugsiga ka dib uu maanta bare ka yahay Kollejka Agoonta, isagoo wax bara ardada (agoonta) biloowga ah ee fasalka 1aad, weliba si mutaddawacnimo (Voluntary) ah wax ku bara agoonta, Abuukar Ibraahim Nuune waxa uu sheegay sababta uu sidaa u yeelayo waxa ay atahay inuu ka mahad celiyo dadaalkii iyo daryeelkii ay usoo galeen walaalihii soo gacanta qabtay, isagoo sheegay inuusan marnaba gaareen heerka uu joogo maanta haddii aysan walaalaha dibadda ku nool soo gacan qaban lahayn. Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu soo duceeyay walaalihii Alle (SW) ka sokoow u sabab ahaa inuu dhameysto wax barashada ilaa dugsiga sare mana aha mid aan hilmaami doono abaalkaasi inta aan noolahay ayuu sii raaciyay. Wixii talo iyo tusaale ah ugu soo hagaaji E-mailada kala ah: agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
|
|
|
Copyright © 2007 agoonta.net All Rights Reserved, Disegned by Xasan C. Xuuriye |