|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid Xajka Iyo Ac-maasha la qabto
Qoraalkaan waxaa loogu talo galay qofka rabo inuu soo xajiyo, wuxuu ka helayaa dhamaan ac-maasha laga rabo inuu la yimaado.
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته الحمد لله الذي بعث محمدا صلى الله عليه وسلم بالهدى ودين الحق رحمة للعالمين وقدوة للعاملين وحجة على من أرسله الله إليهم أجمعين وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له إله الأولين والآخرين وأشهد أن محمدا عبده ورسوله المصطفى على العالمين صلى الله عليه وعلى آله وأصحابه ومن تبعهم بإحسان إلى يوم الدين وسلم تسليما كثيرا أما بعد Marka hore waxaa ilaah mahadii ah in allaah noo fududeeyey inaan wax ka taabano ac-maasha qofka looga baahan yahay inuu la yimaado marka uu gudanayo xajjka, arintaa waxaa nagu baraarujiyey markii aan aragnay in dadka baahi u qabaan gaar ahaan dadka ku nool wadamada qurbaha. Si ay dadku u fahmaan waxaan soo qaadanay sawiro tusinaya ac-maasha la rabo in la qabto, sawiradaa waxaan ka soo qaadanay mid ka mid ah shabakadaha islaamiga ah, waxaana hubiyey sheikh Cabidlaahi ibn C/raxman Al-jibirin.
Marka hore xajjku waa mid ka mid ah tiirarka islaamka, sida uu nabigu nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu u yir: islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir[1] oo kala ah:
sidoo kale ilaahay ayaa ummadda uga dhigay farad(waajib) sida uu quraanka ku yiri:
وَلِلَّهِ عَلَى النَّاسِ حِجُّ الْبَيْتِ مَنِ اسْتَطَاعَ إِلَيْهِ سَبِيلاً وَمَنْ كَفَرَ فَإِنَّ اللَّهَ غَنِيٌّ عَنِ الْعَالَمِينَ Ilaahay wuxuu ku waajibiyey dadka in ay xajiyaan qofkii awooda, qofkii diida ilaahay wuu ka maarmaa caalamka oo dhan. Nabiguna nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee wuxuu xajiyey hal mar[2] wuxuuna cimraystay afar jeer. Nabiguna wuxuu xadiis ku yiri: إِنَّ اللَّهَ عَزَّ وَجَلَّ فَرَضَ عَلَيْكُمْ الْحَجَّ فَحُجُّوا Ilahay wuxuu idinku waajibiyey inaad xajidaan ee xajiya. Waxay culumadu leeyihiin qofkii awooda oo aan soo xajiyin, ama dib udhiga cudurdaar la’aan wuxuu qofkaasi ku dhacay dambi aad u wayn. Wuxuu nabigu xadiis kale ku baraarujiyey in ay dedijiyaan xajinta ay xajinayaan wuxuu ku yiri xadiis ay warinayo imam axmed[3] “dadoow dadajiya xajka haddii aad awoodaan qofkiin ma oga waxa ku dhici doona”. Fadliga uu leeyahay Xajjku Waxaa nabigu noo sheegay fadliga uu leeyahay qofka xajinaya, wuxuuna nabigu(scw) leeyahay: الحجاج والعمّار وفد الله دعوه فأجابهم، وسألوه فأعطاهم، Xadiiska macnihiisu waa sidan: dadka xajjka u socda iyo kuwa cumraysanayaa waa wafdi u socda ilaahay, ilaah ayay baryeen wuuna ajiibay, waxbay waydiisateen wuuna siiyey[4]. Waxaa kale oo fadligiisa ka mid ah in uu nabigu noo sheegay in xajjku qofka ka tirtiro dunuubta kana ilaasho faqriga iyo saboolnimada, Wuxuu nabigu (scw) xadiis uu warinayo Ibnu-mascuud ku yiri: Xadiiska macnihiisu waa sidan: is raacsiiya (badiya) xajjka iyo cumrada, labaduba waxay qofka ka tirtiraan dambiyada, waxayna ka ilaashaan faqriga (saboolnimada), sida birta ama dahabka ama qalinka marka dab la galiyo ay wasakhda (sida daxalk) uga dhacaan, qofka xajjka sida wanaagsan u guta waxaa lagu abaal marinayaa JANNO, qofkii gabbalku u dhaco isagoo MUXRIM ah waxaa laga dhaafaa dambiyada oo dhan[5]. [2] Waxay ahayd sanadkii 9aad ee hijrada, waxaana xajjkaa loo yaqaan (xajatul wadaac) [3] Axmed ibnu xambal ayaa ku wariyey musnadkiisa [4] Waa xadiis saxiix ah
Shuruudaha Xajjka Xajjku wuxuu leeyahay shuruudo laga doonayo in laga helo qofka soo xajinaya, shuruudahaas oo ah shan shuruudood oo kala ah:
Qofkii laga helo shuruudaha aanu soo sheegnay waxaa lagu leeyahay ama waajib ku ah in uu xajjiyo. Shuruudaha Dumarka gaarka u ah Sida aynu wada ognahay xajjku wuxuu waajib ku yahay rag iyo dumarba laakiin shuruudaha aynu kor ku soo sheegany dumarka waxaa u dheer hal shardi oo laga doonayo in la helo si uu qofka dumarka ah xajjkii waajib ugu noqdo, shardigaas oo ah in la helo MAXRAM[7], maxaa yeelay ma banaana in qofka dumarka ahi uu safro iyadoo aan haysan maxram. Wuxuu nabigu (scw) yiri لا تسافر المرأة إلا مع محرم ، ولا يدخل عليها رجل إلا ومعها محرم Xadiiskaas macnihiisu waa: ma safarto haweenay ilaa uu la socdo Maxram maahee, nin yaanu u galin haweenay ilaa inuu maxram la joogo maahee.[8] Xadiis kale ayaa wuxuu ahaa sidan: وقال رجل للنبي صلى الله عليه وسلم : إني أريد أن أخرج في جيش كذا ، وامرأتي تريد الحج ، فقال : اخرج معها Xadiiska macnihiisu waa: nin ayaa nabiga (scw) wuxuu ku yiri waxaan rabaa inaan raaco ciidan baxaya oo jihaad aadaya, xaaskaygiina xajj ayay u socotaa, markaas ayaa nabigu wuxuu ugu jawaabay “Xaaskaaga raac”[9].
Axaadiistaan dhamaan waxay na tusayaan in ayan bannaanayn in gabadhu aado safar MAXRAM la’aan. Imaam axmed ibn-xambal ayaa wuxuu yiri: المحرم من السبيل ، فمن لم يكن لها محرم ، لم يلزمها الحج بنفسها ولا بنائبها [7] Qof gabadha la xiriira sida ninkeeda, aabaheed, walaalkeed iyo qof kasta oo ayan u [8] Waxaa wariyey Axmed sanad saxiix ah [9] Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim Xirashada Xajka Marka koowaad qofka xajinayow waa in aad ogaataa in aad u socoto baytkii(gurigii) ilaahay oo aad tihiin wafti ku socda ilaahay xagiisa oo aad ku dhex jirtaan bisha xurmada leh soona gudanaysaan camal aad iyo aad ilaahay xagiisa ku wayn. Waxaad ogaataa in aan camalkaan lagaa aqbalayn ilaa aad la timaado labo shardi 1- Ikhlaas: in aad camalka aad qabanaysid ka dhigto mid ilaahay aad ula jeedo oo 2- inaad kaga dayato nabiga nabad galyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee oo aa ka Marka labaad qofka xajka aadayaa waa in uu isu diyaariyaa inuu galayo safar lagana doonayo inuu ogaado meesha uu ka baxayo meesha uu ka degayo (haddi uu diyaarad raacayo) maxaa yeelay waxaa nabigu sameeyo meelo gaar ah oo uu qofku ka xiranayo[10]. Tusaale ahaan, dadka ka imaanaya magaalada Madiina waxay ka soo xiranayaan Dil xulayfa[11], dadka ka imaanaya dhinaca SHAAM waxay ka xiranayaan Juxfa, dadka ka imaanaya NAJDI waxay ka xiranayaan Qaran, dadka ka imaanaya YAMANwaxay ka xiranayaan meesha magaceeda la dhaho Yalamlam. Haddaba haddii aad adigu soo raacdo diyaarad oo aad ku timaado dariiq ku beegan intaa aan soo sheegnay waa inaad ka soo xirataa meesha ku beegan (sida badan shaqaalaha diyaaradda ayaa dadka wargaliya marka lagu beegan yahay meesha laga xiranayo). Haddaba su’aashu waxay tahay haddii aad dhaafto meeshii la rabay in laga xirto oo aadan xiran xajkii ama cumradii sidee baad yeelaysaa? Waxay culumadu leeyihiin haddii qofku dhaafo meeshii la rabay in laga xirto isagoo aan xiran xajka ama cumrada waa in uu qofku dib u noqdaa oo soo xirtaa, haddii aanu noqon oo uu meel ka sokaysa ka xirto, waxaa laga rabaa inuu ku gowraco neef ari ah magaalada Maka al-mukarama[12] dhexdeeda oo uu u qaybiyo masaakiinta. [10] miiqaadka [11] Meel magaceed [12] Magaalada barakaysan ee uu qofu u aadayo xajjka Waxyaalaha aan banaaneeyn marka la xiranayo xajjka Ma banaana in qofku isticmaalo waxyaalaha udgoon sida barafuunka marka uu xirto xajjka ka bacdi. Inta aadan xajka xiran qofku inuu qubaysto oo isticmaalo wax udgoon waa loo ogol yahay sida uu nabigu sameeyey oo ay Caaisho[15](rc) nooga warantay laakin marka uu xirto ka bacdi lama ogola inuu isticmaalo barafuunka iyo wixii la mid ah.
[14] Bukhaari iyo Muslim baa wariyey [15] Caa’isha binti abii bakar oo ah mid ka mid ah xaasaskii nabiga
Dharka la xirto iyo sida loo xirto
Qofku markuu xirto xajjka waa inuu akhriyaa adkaarta soo aroortay oo ah: { Labbayka llaahuma labbayka, laa shariika laka labbayka, inal xamda, wa nicmata laka walmulka laa shariikha laka} Raggu codkja kor ayaay u qaadayaan, dumarkuse hoos ayay u akhrinayaan. Cimrayso siddeda bisha ka hor Marka aad tagto magaalada Maka-al-Mukarama maalinta sideedaad ee bisha ka hor waxaa fiican inaad Cimraysato oo aad la timaado cimro xajjka ka hor. Marka qofku soo gaaro magaalada wuxuu aadayaa Kacbada wuxuuna joojinayaa talbiyada(adkaartii uu akhrinayay), go’ii sare uu watay ayuu jeeniqaarsanayaa[16], ka dib wuxuu qofku salaamayaa Xajarul-aswadka wuuna dhunkanayaa haddii ay suurta gal u noqoto wuxuuna oranyaa Allaahu Akbar[17]. Haddii aanu awoodin inuu dhunkato ciriir jira awgeed gacanta ayuuu ku taabanayaa wuxuu dhunkanayaa gacantiisa, haddii aanu awoodin inuu taabto xageeda ayuu u jeesanayaa wuxuuna u taagayaa gacantiisa midig dhinaca kacbada.
Dawaafka Kacbada
kadibqofku wuxuu ku dawaafayaakacbadatodoba jeer, wuxuuna ka bilaabayaa xajarul aswadka isaguuna ku soo dhamaynayaa . waxaa haboon qofku inuu weesa qaato inta aanu bilaabin dawaafka (wareega lagu wareegayo kacbada). Markaad tukato ka bacdi waxaa sunne ah inaad cabto biyaha samsamka ah, dabadeed waxaad aadaysaa dhinaca xajarul aswadka si aad u salaamto waa haddii ay suurta gal tahay. Sacyiga[18] u dhexeeya Safa[19] iyo Marwa[20]
Intaa ka dib waxaad aadaysaa dhinaca buurta Safa(sida aad sawirka ku aragto), waxaa sunna ah inaad akhrido:
إِنَّ الصَّفَا وَالْمَرْوَةَ مِنْ شَعَائِرِ اللَّهِ فَمَنْ حَجَّ الْبَيْتَ أَوْ اعْتَمَرَ فَلا جُنَاحَ عَلَيْهِ أَنْ يَطَّوَّفَ بِهِمَا وَمَنْ تَطَوَّعَ خَيْراً فَإِنَّ اللَّهَ شَاكِرٌ عَلِيمٌ Waxaa sunne ah inaad buurta Safa dusheeda soo fiiriso qiblada, labada gacmood adoo kor u taagaya, waxaad akhrinaysaa: الله أكبر الله أكبر الله أكبر ، لا إله إلا الله وحده لا شريك له ، له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير ، لا إله إلا الله وحده ، أنجز وعده ، ونصر عبده ، وهزم الأحزاب وحده Intaa ka dib waxaa baridaa ilaahay si hoos ah waydiiso wixii aad doonto.
Intaa ka dib waad soo degaysaa oo waxaad aadaysaa dhinaca buurta Marwa, markaad gaarto buurta Marwa waxaa la rabaa in la fuulo buurta Marwa oo aad samayso wixii aad samaysay markaad joogtay safa, sida gacmaha oo aad kor u taagto qiblada oo aad qaabisho, iyo inaad duco iyo dikri la timaado. Halkaa waxaa ku dhamaaday acmaashii cumrada, qofku waa xalaaloobayaa Maalinta Siddedaa (YOWMU TARWIYA) Marka la gaaro maalinta 8aad ee bisha dil-xijah(yowmu tarwiyah) wuxuu qofku xiranayaa xajjka meel kasta uu ka joogo Maka-Al-Mukarama, ka bacdi wuxuu aadayaa MINA, halkaa wuxuu ku tukanayaa Duhur, Casar, Maqrib, Cishe iyo Subaxda dambe, salaad walbana wuxuu tukanayaa waqtigeeda isagoo soo gaabinaya salaadaha Duhurka, Casarka iyo Cishaha. Markay qoraxdu soo baxdo maalinta sagaalaad (9aad dil-xija) wuxuu aadayaa dhinaca CARAFA , waa meel ku dhegan MINA sida aad sawirka sare ka aragtid, waxaa haboon oo sunna ah in uu qofku dego meesha magaceeda la yiraahdo NAMIRA. Halkaa ayaad joogaysaa ilaa qoraxdu ay gaarto xilliga duhurka, waxaa halkaa lagu akhriyaa khudbo loogaga hadlo waxaa qofka xaajiga ahi uu samaynayo maalintaa iyo wixii acmaal ah oo la sameeyo maalmaha ka dambeeya maalinta carafo. Wuxuu tukanayaa duhur iyo casar iyagoo la jamcinayo oo la soo gaabinayo, waxaana la tukanayaa xilliga casarka. Ka dib wuxuu istaagayaa carafo meel kasta oo ka mid ah (BADNU-CURANO meehee meel kasta oo carafo ah waa meel la istaago[21]. Waxaa kale oo aad istaagi kartaa buurta caraf(JABALUL-CARAFA) gadaasheeda waana meesha nabigu istaagay[22] sida aad sawirka hoose ku aragtid waxaad u jeedsanaysaa dhinaca qiblada waxaad ku dadaalaysaa dikri iyo duco.
Wuxuu nabigu xadiis ku leeyahay {duco waxaa u fiican tan carafo, wax aan aniga iyo nabiyadii hore yiraahdeen waxaa u fadli badan – laa ilaaha ila laahu waxdahu laa shariika lahu lahul mulki walahul xamdi yuxyii wa yumiitu wahuwa cala kuli shay’in qadir[23]}. Markay qoraxdu dhacdo waxay xujaydu aadayaan MUSDALIFA iyagoo u soconaya si degan aad xasilooni ku jirta aadna u badinaya inay akhriyaan talbiyada. Markay musdalifa gaaraan waxay ku tukanayaan MAQRIBKA oo ay tukanyaa saddex ragcadood iy CISHAHA ay tukanayaan laba rakcadood, wayna jamcinayaan hal eedaan (addan) iyagoo u addamaya mid walbana u aqiimaya. Waxay habeenkaa ku baryayaan xujaydu MUSDALIFA ilaa ay ka tukadaan salaadda subax, in ka dib waxaa sunna ah in ay istaagaan MASHCARIL-XARAAMKA agtiis iyagoo u jeeda dhinaca qiblada, badinaya digriga ilaahay iyo duco gacmahana kor u taagaaan ilaa uu waagu ka dilaaco sida uu nabigu sameeyey[24]. Nabigu wuxuu yiri {waxaan istaagay halkan laakin MUSDALIFA oo dhan waa meel la istaago[25]. Maalinta tobnaad (10aad DIL-XIJA) iyo wixii camal ah oo ka dambeeya *Marka waagu beryo maalinta 10aad waxaad sameeysaa arimahaan soo socda waxaad aadaysaa dhinaca MINA adigoo badaniya TALBIYADA, *socodkana dedeji markaad gaarto WAADI-MUXASIR, *waxaad aaddaa JAMRATUL KUBRAA (waa jamratul-caqabah) *waxaad tuuraysaa todoba dhagax oo aad ka soo qaadatay MUSDALIFA ama *Waa in dhagaxa aad tuuraysaa uu yahay mid aad u yar sida aad ku aragtid
*Markaad tuurato waxaad bilaabaysaa inaad gawracdo xoolihii (aad waday, *Qofkii aan HADYI[26] wadin wuxuu soomayaa toban *Waxaad xiiraysaa timaha, Ogow: markaad tuurato JAMRATUL-CAQABA, TIMAHANA XIIRATO waxaa kuu banaanaya wax walba oo markii hore kaaga xaaraansanaa xirashada xajjka marka laga reebo inaad la kulanto xaaskaaga, waxaana lagu magacaabaa TAXALUL AWAL. Intaa ka bacdi waxaad aadaysaa dhinaca MAKA si aad u samayso dawaafka loo yaqaan DAWAAFUL-IFAADAH. Dawaafkan ka dib waxaa qofka xaalaal u noqonaya wax walba xataa Haweenka (xaaska), xaalaalowgaan ayaa lagu magacaabaa TAXALULU-TAAM. Xusuus gaar ah: waa inaad tuurataa jamaraadka saddexdaba marka ay qoraxdu bartamaha cirka ka suusho(xilliga Duhurka)[27], adigoo ku bilaabaya tan yar (Zuqraa), ku xejinaya tan dhexe (Wusdaa), u dambaysiinaya tan wayn (Kubraa ama jamratul caqabah), mid kastana ku tuuraya todoba dhagax oo yar yar sidii aan hore ku soo tilmaamnay ama aad sawirka hoose ku aragtid.
Marka uu qofku ka faaruqo acmaasha xajjka ee aan soo tilmaamnay oo uu goosto inuu u noqdo wadankiisa waxaa waajib ku ah in uu sameeyo DAWAAFUL-WADAAC sida uu saxaabiga ibnu cabaas leeyahay waxaa nala amray inuu dawaafka baytku noqdo midka u dambeeya[28].
Ilaahay waxaan waydiisanaynaa inuu noogu daro miisaanka xasanaadka maalinta qiyaamaha ee uu qofku u baahan yahay inuu xasanaad badan hormarsaday.
Abdighani M. Ali –qardhaawi- Email:
|
|
Dharka la doonayo in la xirto(raga) waa laba go’ (mid hoose iyo mid sare), iyo kabo.
Dumarka iyagu dhar u gaar ah ma leh, waxay gashanayaan dharka ay doonaan oo aan muujinayn jirkooda, |