Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017  
            Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan 


 

 

agoonta.net  24-04-12

Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay deeq qalab sports oo kala duwan, deeqdaas oo isugu jirtay Funaanado, Buumayaal iyo weliba Banooniyaal (Kubbado) ayaa waxay ka soo gaartay wadanka Norway, iyadoo uu soo gaarsiiyay deeqdaan madaxa guud ee Xaruntaan ahna maamulaha agoonta.net, madaxa guud ee xaruntaan ayaa deeqdaas ku wareejiyay agoonta ku xareysan Xarunta aan kor kusoo xusnay, maamulaha Xarunta Agoonta ee magaalada b/weyne Aadan Shariif Amiin oo ka guddoomay ayaa uga mahad celiyay walaalka deeqdaan soo gaarsiiyay.

Madaxa guud ee Xaruntaan ayaa sheegay ineysan ahayn markii ugu horeysan oo uu deeq noocaan oo kala ah soo gaarsiiyo xaruntaan, isagoo sheegay inuu dabayaaqadii sannadkii 2009kii uu deeqdaan oo kale soo gaarsiiyay, oo isla wadanka Norway kaga timid.

Sportigu waa qeyb muhiim ah qeyb weyna ka qaata dhaqdhaqaada jirka bani'aadamka, maadaama ay agoontani ku xareysan yihiin xaruntaan oo Hoy, Cunto iyo waxbarashaba isla goobta ka helaan, ayey lagama maarmaan tahay in waqtiyada qaar ay helaan qeyb sportiga ka mid ah, si ay firfircooni u helaan ayuu sii raaciyay.

 

 

 

 

Go to homepage
2007-2012, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie