Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |

|
Khamiis 06-Dec. 2012 (AN) Beledweyne-Somalia
Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne gobolka Hiiraan ayaa la soo gaarsiisay deeq lacageed, lacagtaan oo caadadkeedu ahaa $600 (Lix boqol oo doolar) ayaa waxaa soo gaarsiiyay walaalkeen C/raxmaan Axmed Cabdi Caalin oo jooga wadanka Australia, Mr. Caalin ayaa ugu tala galay deeqdaan lacageed in ay wax uun ka daboosho baahida ama koboca dhaqaale yari ee agoontaan, waana hubaal inay qeyb fiican ka geli doonto haddii Alle idmo.
Walaalkeen C/raxmaan Axmed Cabdi Caalin waxaan Alle (SWT) uga baryeynaa inuu sadaqadiisa ugu abaal gudo Jannatul Firdows, sidaas si la mid ahna dhammaan inta kaalmeysa agoonta ayaan ugu soo duceyneynaa.
Ma ahan markii ugu horeysay ee walaalaha qurba joogta ahi ay kaalmo dhaqaale soo gaarsiiyaan agoonta ku xareysan Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne insha'allaahu mana noqon doonto markii ugu dambeysay, oo Alle ka sokoow idinka ayey idinku tiirsan yihiin, ee yaan la moogaan caawinta agoonta, waayo waxaad haysataan ballan qaad cad oo aan darajadiisa sahal lagu gaari karin haddaad agoonta kafaalo qaadaan ama aad caawisaan.
Go to homepage � 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |