

Walaalaha Muslimiinta ahoow maadaama ay nasoo guda gashay bishii Ramadaan, ayaan halkaan idiinku soo gudbineynaa qeyb ka mid ah Axkaamta Soonka, taasoo aan fileyno iney faa'iido badan inoo leedahay, waajibna ay nagu tahay inaan barano, si camal keenu u noqdo mid aan aqoon u sameynay, oo aan Alle (SW) agtiisa ajar uga helno.
Allaah, Subxaanahu Watacaala wuxuu yiri:
Kuwa xaqqa rumeeyoow waxaa laydinku waajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan (aad xumaha ka joogtaan).
"Waa Maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale (soonkood) kuwa uu dhibina waxay bixin Miskiin, ruuxii badsada (Khayrkana) saasaa u ficiin, inaad Soontaan yaana idiin khayrbadan hadaad tihiin kuwo wax og".
' Waxaa bisha Soon la soo dejiyey dhexdiisa Qur'aanka isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin xaqa iyo baadilka, ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saran maalmo kale, wuxuu idinla dooni Alle fudayd ee idin lama doonayo culays, waana inaad dhamaystirtaan tirada waynaysaanna Allaah wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihiin, ood mudan tihiin inaad mahadisaan Allaah.
1214. Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Allaah, kor ahaaye wuxuu yiri: aadanuhu camalladiisa kale oo idil isagaa leh soonkiisa maahee, kaasi anigaa leh oo anigaa abaalkiisa gudi doona. Soonku waa gaashaan la isaga gudbo xumaan falidda iyo Naarta, sidaa awgeed markii uu midkiin sooman yahay waa inuu iska daayaa oo ka joogaa af xumo oo ka fogaadaa laqwi ku hadlid iyo hadal xun uu qof dhaafsado, haddii uu qof la dagaalamo ama caayana ha yidhaahdo anigu waan soomanahay.
Rasuulku (SCW) wuxuu yiri "waa igu Alle ay nafta Muxammad ku jirto Gacantiisa neefta afka qofka soomman Alle agti waa ka udgoon tahay miskiga caraftiisa". Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afuraayo, tan labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah). (Bukhaari iyo Muslim)
Tani waa werintii Bukhaari.
Werin kale oo Bukhaari ayaa waxay intaa raacineysaa: Alle wuxuu yidhi: qofka soommani wuxuu uga tagaa cunid, cabbid iyo hawoodkiisaba (aniga Allaah) dartey, marka anigaa soonka iska leh aniga ayaana ka abaal gudi doona. Camallada kale ee wanaagsan (ee la falaa bisha Rammadaan ama bilaha kale) halkii ajar waa la toban laabaa.
Werinta Imaam Muslim waxay leedahay: Qofka camalladiisa wanaagsan waa loo laalaabaa wax badan oo halkii samaan waa toban lab ilaa toddoba boqol laab. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: Laakiinse kuma jiro soonka, maxaa yeelay waa cibaado ii barax tiran oo loo falaa dartey ( macnaha waa ma laha xad abaal gudka iyo ajarka soonka), Aniga Keliya baa ka abaal gudi doona. (Qofka soomman) wuxuu uga tagaa cunid, cabid iyo hawood dartey Aniga (Allaah). Qofka soomman waxaa u sugnaaday laba farxadood, midda hore waa farxad markii uu afuraayo midda labaadna waa farxad kale markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah). Neefta afkiisuna ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga. (Muslim)
1215 Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii u bixiya laba joogood ee wax uun ah Alle dartii, waxaa looga yeeri doonaa iridaha Jannada: Addoonkii Alloow, albaabkan baa kuu roon. Qofkii reero salaadeed ahaa waxaa looga yeeri doonaa irridka Salaadda, qolooyinkaa ugu heeganaa Jihaadka dar Alle, waxaa looga yeeri doonaa irridka Jihaadka, qofkii reera soon ahaana waxaa looga yeeri doonaa irridka Rayaan (harraad baxa), qofkii reero sadaqo ahaana waxaa looga yeeri doonaa (inuu ka galo Jannada) irridka Sadaqada.
Abuu Bakar (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuul Alloow, kugu furtay aabbahay iyo hooyadeeye qofkii irridahaas looga yeeraayo, ma jiraan wax lama huraan ah oo laga rabo, qof irridahaas oo dhan looga wada yeedhaayo ma jiraa? Nebigu S.C.W. wuxuu ku jawaabay: Waa jiraa, waxaana rajeynayaa inaad adiga (Abuubakari) ahaan doonto mid ka mida. (Bukhaari iyo Muslim).
1216. Sahal bin Sacad (A.K.R) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaa jira Jannada gudaheeda albaab la yiraahdo Ar-Rayaan oo ehlu soonka oo keliya geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka gelin; waxaa la odhan doonaa: Meeye ehlu soonkii? Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga maahaane. Markii ay galaan, irridkaa waa la xiri doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood. (Bukhaari iyo Muslim)
1217. Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofka Muslimka ahi markii uu u soomo hal maalin dar Alle, Alle wuxuu ka fogeeyaa Naarta masaafo toddobaatan sano loo socdo. (Bukhaari iyo Muslim)
1218. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waa laga dhaafi doonaa dembiyadii horey uga dhacay (aan ka baa'irta aheyn. (Bukhaari iyo Muslim)
1219. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Markii ay bisha Ramadaan soo gasho iridaha Jannada waa la furaa, iridaha Naartana waa la xidhaa, Shayddaammadana waa la xiraa. Bukhaari iyo Muslim)
1220. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ku sooma aragtida bil dhalatay ee Ramadaan oo ku afura aragtida bisha Shawaal (soon fur), haddii bila qaris ay noqotana buuxiya soddonka Shacbaan (Soon dheere) (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale oo Imaam Muslim werinaayo waxay intaa ku dareysaa: Sidaa si la mid ah, haddii bil qaris ay nqoto (daruuro awgeed) dhamaadka bisha Ramadaan, markaa buuxiya soonka (soon qaad) 30 maalmood.
Lasoco qeybta 2aad insha'allaahu
Maamulka agoonta.net
Go to homepage
Copyright © 2007 All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye