Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan 

 

 

Baaq ku socda walaalaha muxsiniinta ah ee jecel kheyrka
 
Walaalayaal dhammaan weynu wada ognahay wadankeenii waxaa la haray dagaalo sokeeye, abaaro, fatahaado, cudurro IWM, xaaladdaas adag ee maanta dalku ku sugan yahay waxay saameyn iyo raad weyn ku reebtay in badan oo ku nool dalkii hooyo, gaar ahaan dadka danyarta ah, tabarta daran, agoonta, curyaamiinta iyo dadka xanuunsanaya.

Haddaba sidaan soo sheegnay agoontu waxa ay ka mid tahay kuwa dalkii jooga haddana dhibaatooyinka badankoodu ay ku dhacaan, waxa ay u baahan yihiin inta ay ubadkeenu u baahan yahay oo kale sida: waxbarashada, daryeel caafimaad, nolosha, arrad baxa, niyada oo loo dhiso loona muujiyo naxariis, carruurtaasi waxay baahi wayn u qabaan cid ilmada ka tirta, oo kalgacayl iyo xannaano dareensiisa, waxay u baahanyihiin cid dareensiisa inay bulshada ku dhex leeyihiin qiimo ka sarreeya iney noqdaan iskorisyaal, baalashlayaal, kuwa gaadiidka dhaqa, ama kuwa ka qashimeysta hambada iyo qashinka maqaayadaha, taasoo meesha ka saareysa iney ku noolaadaan darxumo, qalbigana ay ku hayaan ciil iyo naxariisdarro.
 
Walaalayaal waxaan idin xasuusineynaa Xadiithka Nabigeenii Suubanaa (SCW) ee uu yiri "Aniga iyo qofkii kafaalo qaado agoon Jannada waxaynu ku nahay sidaa"wuxuu tilmaamay labadiisa farood ee suulka xiga, isagoo wax yar kala durjiyay, waxaa kale oo uu yiri "Qofkii tusiya kheyr qof kale wuxuu leeyahay ajarka qof khayrka sameeyay oo kale’’, sidaa daraadeed waxaan idin kugu baaqeynaa: 

1- Inaad ka qayb qaadataan taakulaynta agoonta qof walba waxa uu awoodo

2- Samafalayaasha kafaala qaaday agoonta ee aan weli soo shubin lacagtii
     kafalada inay soo shubaan lacagta kafaalada .

3- Dhamaan dadka ay horay u dhaaftay kafaala qaadka agoonta raadinayana
     ajarka weyn ee laga helayo, waxaanu u haynaa agoon ubaahaan cid kafaalo
     qaada .

4- Dhamaan hantiilayaasha Alle wax u dhiibay ee bixinaya Sakada ama
     Sadaqada waxaan u sheegeeynaa inay agoomuhu yihiin meelaha ugu
     habboon uguna baahida badan ee lagu bixiyo Sakada iyo sadaqada.

Wixii faah faahin ah ee ku saabsan sidaad agoon u kafaala qaadi lahayd ka fiirso halkaan Riix halkaan, ama haddaad dooneyso inaad ogaato qaabkii iyo meeshii aad wax ugu diri lahayd halkaan ka fiirso Riix halkaan  

F.G: Fadlan walaal gaarsii Baaqaan qof kale si uu uga qayb qaato
          daryeelka agoonta.

Jazzaakumullaahu kheyran
agoonta.net

Wixii talo iyo tusaale ah ugu soo hagaaji E-mailada kala ah: agoonta@agoonta.net  ama kaafil@agoonta.net

Copyright © 2007-2011  All Rights Reserved to agoonta, Disegned by Xasan C. Xuuriye