Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


 Tilmaamaha Marwada wanaagsan.

قال تعالى( فَالصَّالِحَاتُ قَانِتَاتٌ حَافِظَاتٌ لِلْغَيْبِ بِمَا حَفِظَ اللَّهُ)

يقول الرسول صلى عليه وسلم : تنكح المرأة لأربع لمالها ولحسبها ولجمالها ولدينها فاظفربذات الدين تربت يداك. رواه البخاري.

ويقول صلى الله عليه وسلم : الدنيا متاع وخير متاعها المرأة الصالحة. رواه مسلم

Aayadaa iyo labadaa xadiith waxay nafarayaan inaan u meeldayno cidda aan nolosha la wadaageyno haddii aan rabno nolol iyo guri wanaagsan. Haddii aad tahay qof diin leh raadso shimbirkaada, haddii kale hotel curuuba iyo juba ayaad ka cashayn.

Halkan waxaan ku soo gudbineynaa tilaamaha ay leedahay marwada wanaagsan:

1-  Inay tahay qof wanaagsan , Rabbi ka cabsata kor iyo hoos,  
      Rasuulka raacda (scw).

2-  Waa daaciyad diinta ugu baaqda ninkeeda, gurigeeda, ehelkeeda, 
     dariskeeda, saaxiibadeed iyo bulshada inteeda kale.

3-  Waxey ninkeeda uga dambeysaa mas’uuliyadda ama hogaanka 
     qoyska.
4-  Uma dareento culays inay ka amar qaadato ninkeeda wixii aan 
     dambi ahayn.

5-  Waxey xifdisaa ( ilaalisaa) nafteeda, hantida ninkeeda  iyo 
     awlaadiisa.

6-  Inay buuxiso indhihiisa ama uu maqsuudo marka uu soo eego 
     ( jirkeeda, nafteeda iyo caqligeeda), ma dhibto ninkeeda.

7-  Waxey aaminsan tahay in gurigeeda adduunku yahay kii looga sii 
     gudbilaaha guriga jannada.

8-  Waxey ilaalisaa ishiisa, sankiisa, dhegahiisa iyo qalbigiisa.

9-  Way u dulqaadataa dabeecadaha xun ee ninkeeda, waxay 
     ogtahay inuu meelo kale ku wanaagsan yahay.
10- Waxey dabooshaa baahida gogosha ee ninkeeda, xilliga uu rabo 
       iyo qaabka uu u rabo.

11- Ninkeeda ayay xasuusisaa ducada galmada hadduu halmaamo.

12- Saaxiibadeed uma gudbiso ama ugama sheekeyso ninkeeda ama 
       xiriirka dhex mara labadooda.

13- Waa midaan ku dagmin quruxdeeda, cilmigeeda, shaqadeeda, 
       waxaas oo dhan waa geed hadhkii.

14- Ma ogola in dibadda laga maqlo haddii khilaaf ku yimaado 
       nolosha gurigeeda.

15- Waxey ogtahay in bidcada, sixirka, waxsheegyada iyo 
       falanfalawyada oo loo tago ay keenaan burbur diimeed iyo mid 
       guri.

16- Haddii uu baxayo way sagootisaa iyada oo adeegsanaysa erayo 
       faraxgaliya, haddii uu soo laabto waxey u soo dhaweysaa sidii 
       qof marti ah.

17- Waa mid aan ka bixin guriga idan ama fasax la’aan.

18- Waxey ka fogaataa waxa abuura shakiga.
19- Guriga ma soo galiso fasax la’aan qof aan ahayn maxaarimteeda 
       haddii ninkeedu maqan yahay.

20- Raggu waxey  jecel yihiin marwada dhoolla cadeysa had iyo jeer.

21- Akhlaaqdeeda iyo edebteeda tusaale wanaagsan ayay u yihiin 
      saaxiibbadeed.

22- Inay Rabbi u mahad naqdaa siinta uu siiyay nin ay nafteeda uga 
       dhowrsato xumaanta, awlaadna ay ka heshay.

23- Inay leedahay akhlaaq aad u sarraysa.

24- Jilbaabka kuma siibto ama kuma furto meel aan ahayn guriga  
       ninkeeda.

25- Cawradeeda ma dhaalacdo qof aan ahayn ninkeeda.

26- Codka kor uguma qaado haddii ay wada hadlayaan.

27- Waxey ogtahay in afar wax albaabada jannada loogu furo:
       salaadda, soomka, adeecidda ninkeeda iyo xifdinta jirkeeda.

28- Inay tahay saabirah u adkeysata wax la’aanta ninkeeda ama ay 
       tahay shaakirah haddii ninkeedu xoolo leeyahay.

29- Inay ninkeeda ku dhiirri galisaa xiriirinta waalidkii, qaraabadiisa 
       iyo saaxiibbadii.

30- Waa inay tahay marwo jecel khayrka, kuna dadaasha baahintiisa.

31- Waxaan run ahayn afkeeda ma yaqaan, beenta waa laga 
       habaaray.

32- Xushmad iyo astur ayay guriga kaga baxdaa, wey laabtaa 
       indhaheeda, kor uma eegto ragga kale.

33- Caruurteeda waxey bartaa jaceylka Allah (swt) iyo Nabiga( scws), 
       ixtiraamka iyo u dhago furnaanta aabbahood.
34- Qalbigeedu ma yaqaan caro iyo ficillo haddii ninkeedu ku 
       khaldamo.

35- Ma xaqirto, kuma jeesjeesto uunka Rabbi dhammaan.

36- Aad ayay uga fogtahay kibirka, faanka iyo isla waynaanta.

37- Ma aha reero adduunyo, had iyo jeer waxay ka fikirtaa aakhiro iyo 
       Rabbi la kulankiisa.

38- Arrimaheeda dhammaan Rabbi ayay u tala saarataa, uma carooto 
       Rabbi waxa uu uqadaray.
39- Waxey xifdisaa Rabbi waajibaadkiisa, kana fogaata Rabbi waxa 
       uu xarrimay.

40- Waxey ogtahay in ninkeedu yahay sayidkeeda, sida Rabbi 
       quraanka noogu shegay. 

       ( قال تعالى : وألفيا سيدها لدى الباب .   سورة يوسف  )     

41- Waxey ogtahay in ninkeeda xaqqiisu ka weyn yahay xaqqa ay 
       iyadu isaga ku leedahay.

42- Waa midda qirata khaladkeeda, cadeysana sababaha keenay.

43- Carrabkeedu kama daalo xuska Rabbi iyo kalimada wanaagsan.

44- Ma sheeg sheegto waxa ay ninkeeda siiso, mana soomto sunno 
       fasax la’aan, x
ishood ayaa hibo loo siiyay.

45- Waa midda og iney xaraam tahay in ninka la weydiisto furriin 
       ( dhalaaq ) sabab la’aan.

46- Dalabka ninkeeda way ka hormarisaa dhamaan dadka, xataa 
       waalidkeed.

47- Iskuma ekaysiiso ragga, dumarka gaalada ah ama kuwa liita.

       Waxey ku dheereysaa sida ninka loola cayaaro.

  ( قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لجابر رضي الله عنه : هلا جارية تلاعبها وتلاعبك )   
48- Jaceylka waxaa kor uqaada in galmada ka dib halmeel lagu wada 
       qubeysto.
 
           قالت عائشة رضي الله عنها : كنت أغتسل أنا ورسول الله صلى الله عليه وسلم من
 الجنابة من إناء واحد تختلف أيدينا فيه. )                   
49- Hantida ninkeeda ma bixiso fasax la’aan.

50- Waxey taqaanaa cuntada uu jecelyahay ninkeeda iyo dookhiisa.

51- Allah ayaa hibo u siiyey sida loola dhaqmo ninka.

52- Waa marwo cibaado badan, ninkeedana ku taageerta cabsida 
       rabbi.

53- Waa iney ninka dareensiisaa qiimaha uu agteeda ku leeyahay, 
       aadna uga fikirto umuurihiisa, taasi waxey soo jiidaa dareenkiisa, 
       haddii uu u arko inay iska indho tireyso wuu ka sii fogaada.

54- Caloosha kuma qaado khaladaadka yaryar ee ninkeeda, had iyo
       jeer waxey xasuusataa barismaadkii iyo wanaagii ay isla soo 
       mareen.

55- Waxey u muujisaa ninkeeda ixtiraamka ay u hayso eheladiisa, 
       way ammaantaa, u ducaysaa isaga oo arkaya ama maqlaya, taasi 
       waxey keentaa iney qabligiisa hanato.

56- Waxay la qabysataa ninkeeda daalka iyo tacabka shaqadiisa iyo 
       arrimaha nolosha.

57- Codkeeda, cagteeda, calaladeeda iyo dhammaan nolosheeda 
       waxey u carbisay khidmada ninkeeda.

58- Ninkeeda ayey doorataa haddii ay is qabtaan bulshada inteeda 
       kale, xataa waalidkeed.

59- Ma ammaanto ragga kale ninkeeda hortiisa, taasi waxay ninka ku 
       abuurtaa masayr ama hinaase, laakiin xagga diinta way dhihi 
       kartaa hebel waa sheekh wanaagsan.

60- Ma baahiso sirta ninkeeda iyo arrimihiisa khaaska ah.

61- Ninka ayey shaqo ka dhigataa xilliga uu joogo guriga, isaga ayey 
      akhrisataa sida joornaalka, dhageysataa sida idaacadda, 
      daawataa sida TV.

62- Haddii hadalku luul yahay aamusnaantu waa dahab, waa marwo 
       hadal yar, ma aha mid tororog badan.

63- Waqtigeeda kuma disho xan, namiimyo, heblo waxey tiri iyo 
       waxaa la sheegay.

64- Waqtigeeda waxey u qaybisay saddex:
65- Rabbigeeda, Raaskeeda iyo Rafiiqeeda (ninka).

66- Waxaa qiimo la leh fikradda ama ra’yiga ninkeeda.

67- Labiska iyo muuqaalka wacan ee ninka waxay bulshada u 
       gudbiyaan gurigiisa waxa ka jira, sidaa darted il gooni ah ayay ku 
       eegtaa arrimahaas.

68- Shaqaalaha guriga kuma dhowrato howsha ninkeeda.
69- Ma ogola  in ninkeeda cid kale u adeegto, mana cuno cunto 
       aysan iyadu soo kontoroolin.

           Wabillaahi Tawfiiq
    

 Go to homepage

Copyright©2007-2009 All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net