Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






agoonta.net  30-03-13

Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne ayaa maanta waxaa soo booqday Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo maalmahaan ku sugnaa magaalada B/weyne, halkaas oo isaga iyo intii la socotayba qado sharaf loogu sameyay hoolka shirarka ee Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif, si diiranna loogu soo dhaweeyay, sidaan hore nidiinku sheeganay Ugaas C/raxmaan waxa uu kaalimo lama iloobaan ah ka geystay agoonta, isagoo marar kala duwan dhaqaale usoo aruuriyay, lahaana fikraddii in dhismo cusub loo dhiso agoonta, una sameeyay olole heer caalami ah, taasoo keentay iney hirgasho dhismaha cusub ee agoontu ay hadda degan yihiin, haddaba maadaama uu magaalada ku sugnaa muddo ku dhaw 2 toddobaad, isla markaana sidii xaruntaan cusub ay u howl gashay uusan indhihiisa ku arag, ayey noqotay tallaabadiisii ugu horeysay ee uu qaado inuu soo booqdo dhismahaas cusub oo la dhisay sannadkii 2011kii.

Booqashadii ugaaska waxaa lagu bilaabay in ugaaska iyo inta la socotaaba ay wadajir ula qadeeyaan Agoonta, iyagoo meel wada fadhiya ee aan la kala sareysiin sida uu ugaasku codsaday, qadadii ka dib ayaa wiil yar oo agoonta ka mid ahi ku furay aayado qowlka Eebbe ah, kadibna waxaa la guda galay in ka soo qeyb galayaashii qaarkood ay halkaa ka hadlaan sida nabadoono, aqoon yahanno iyo maamulka agoonta, hadalladuna u badnaayeen agoonta in wax la taro iyo ciddii kafaalo qaada ajarka ay Alle agtiisa ku leedahay.

Maamulka agoonta ayaa isna ka warbixiyay agoonta xaaladeeda iyo dhismaha cusub qeybaha uu ka kooban yahay, ugu dambeyntiina waxaa hadalkii qaatay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo marka hore u duceeyay agoonta kuwooda xanuunsan iyo guud ahaanba, waxa uuna sheegay inta uu nool yahay inuu u taagan yahay sidii agoonta loo caawin lahaa tiradoodana loo kordhin lahaa, Ugaasku waxa uu goobta ka ballan qaaday inuu agoonta ku deeqay lacag dhan $1000 oo uu yiri dhar isku eg (Uniform) ha loogu gado, sidaas si la mid ah ayaa nin reer /B/weyne ah oo reer gibaanow ah lana yiraa Ibraahim isna ku yaboohay $1000, Ugaasku waxaa kale oo uu goobta ka sheegay in dhul agoontu leeyihiin laga siiyay magaalada B/burte, oo ay saddaqeysteen laba wiil oo walaalo ah waa Cumar Diiriye iyo C/risaaq Diiriye, Alle ayaan uga baryeynaa wax ka wanaag badan inuu miisaanka xasanaadka ee maalinta qiyaame ugu bedelo, iyadoo la rajeynayo in B/burte laga hirgelin doono Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/burte mustaqbalka dhaw insha'allaahu.

Gebagebadii waxa uu Ugaasku mid mid u gacan qaaday agoontii, soona kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne, isagoo ay wehliyeen maamulka agoonta iyo martidii isaga la socotay.

2007-2013, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie