Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






agoonta.net  20-03-13

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa soo gaaray magaalada B/weyne ee xarunt gobolka Hiiraan, kaddib markii uu in muddo ah ka maqnaa dalka, isagoo ku noolaa wadanka Kenya gaar ahaan Nairobi.

Diyaaradii uu saarnaa Ugaaska markii ay soo caga dhigatay garoonka caalamiga ah ee Ugaas Khaliif International Airport ee magaalada B/weyne ee ugaaskiina ka soo degay ayaa mar kaliya ugaaskii waxaa ku xoomay dadweynihii halkaa ku sugnaa oo farxad darteed is celin waayay, waxaana mar kaliya la arkay iyadoo kor loo sido oo la keenay safafkii ay dadweynuhu ku sugayeen, kadina waxa uu bilaabay inuu halkaa mid mid u gacan qaado dhammaan intii soo dhaweyneysay.

Ugaas C/raxmaan waxa uu kaalimo lama iloobaan ah ka geystay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne, isagoo marar kala duwan dhaqaale usoo aruuriyay, lahaana fikraddii in dhismo cusub loo dhiso agoonta, una sameeyay olole heer caalami ah, taasoo keentay iney hirgasho dhismaha cusub ee Agoontu ay hadda degan yihiin.

Haddii Alle (SWT) idmo Ugaaska waxaa u qorsheysan inuu soo booqdo Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne oo uusan weli arkin sidii loo dhisay, booqashadaas oo aad halkaan kala socon doontaan.


2007-2013, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie