Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






agoonta.net  02-03-13

Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne ayaa waxaa soo booqday mid ka mid ah qurbajoogta reer hiiraan oo muddo dheer ku noolaa wadanka Mareykanka, walaalkaas oo lagu magacaabo Cali Tawaad Dhallin,

isagoo codsaday inuu booqdo oo uu la kulmo agoonta xarunta ugaaas Khaliif ee magaalada B/weyne, mar uu hor taagnaa oo uu la hadlayay agoonta ayuu u sheegay sababta uu u soo booqday in ay tahay (1) isagoo maqli jiray maga xaruntaan muddo dheer balse uu san weli arag, (2) isagoo u sharxay inuu sidooda oo kale agoonnimo ku soo koray, iyo weliba xarun lagu xannaaneeyo agoonta oo tan lamid ah, wuxuuna aad ugu nuux-nuuxsaday in uu yahay qof si dhab ah u garanayo agoonimada, maanta laga bilaabo waxaan ku dadaalaayaan sidii aan uga qeyb qaadan lahaa kaalmeynta agoonta ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Dhallin.

Ugu dambeyntii ayuu u mahad celiyay Alle ka sokoow inta ku howlan xannanada agoonta, agoontana uu Alle (SWT) uga baryay iney mustaqbal wanaagsan yeeshaan, isagoo si gaar ah agoonta ula dardaarmay oo ku celceliayay ineysan dayacin fursadda ay haystaan, ee ay waqtiga ka faa'ideystaan.

Go to homepage

2007-2013, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie