Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. A2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






agoonta.net (AN) 08-04-13

Waxaa booqasho gaaban ku yimid Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne Caasha-kiin Faarax Ducaale oo fadhigeedu yahay dalka UK, kana mid ahayd dumarkii kaalinta ka geystay dhismaha cusub ee agoonta, waqti xaadirkaana ka mid ah guddiga Jaamacadda Hiiraan (Hiiraan University), waxaa si diiran ugu soo dhaweyay maamulka xarunta agoonta, ugana warramay xaaladda agoonta iyo xatuntaba.

Caasha in kastoo ay dhismahaan gacan ka geysatay, haddana booqashadaan ka hor weli meysan arag dhismaha cusub ee loo dhisay agoontaan, waxa ayna soo kormeertay qeybaha ay ka kooban tahay xaruntani.

Mar ay Caasha kula kulantay agoonta hoolka cuntada ayey ku guubaabisay iney dadaalaan oo ay wax bartaan, waxa ayna u sheegtay agoonta in laga yaabo mustaqbalka in midkood noqon doono madax- weynaha dalka.

Gunaanadkii ayey Caasha-kiin u duceysan agoonta iyo dhammaan inta ku howlan arrimaha agoonta, intii karaankeyga ah wixii aan u qaban karo waan u dadaalayaa ayey hadalkeeda ku soo gebagebeysay. 

Go to homepage

 2007-2013, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie