|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
|
Walaalaha kala ah C/llaahi Buraale iyo Cudbi Cabdi Max'ed (Xayuuke) ayaa xarunta agoonta ugaas khaliif ee B/weyne usoo diray lacag ay ugu tala galeen iney agoontu ku udxiyeystaan Ciidul adxaha oo ay la mid noqdaan caruuraha kale ee Aabbayaashood nool yihiin, farxadda iyo damaashaadka Ciidana si fiican uga qeyb qaataan. C/llaahi Buraale iyo Cudbi Xayuuke ayaa soo gaarsiiyay deeq lacageed oo dhan $350 oo ay $250 ka mid ah lacagtaas usoo niyeysteen udxiyada caruurtaan agoomaha ah ee aan haysan kafaalo joogta ah, $100 soo harayna Cudbi waxay tiri baahidooda kale ha lagu kabo. Allahu Akbar welillahil xamdu, bal fiiriya walaalayaal farxadda wejiyadooda ka muuqata, waxay dhegaha ku dhegan yihiin qaar ka mid ah xoolihii ay ku ciidi lahaayeen oo u noqday 7 neef oo ari ah, intii saddaqeysatay Alloow sida ay uga farxiyeen agoontaas uga farxi oo u dembi dhaaf iyaga iyo waalidiintoodba. Walaalaha muslimiinta ahoow idinka cid aan ahayn uma maqna mar haddii aysan jirin kafaalo toos ah oo ay haystaan, sidaa daraadeed waalaalka iyo walaasha soomaaliyeed wixii aad hor marsato ayaa berrito ku anfacaya ee ha la bakheylin wixii aad u awoodo iyo inaad mid ka mid ah kafaalo qaado oo aad adigu isaga xiriir toos ah la yeelato si dhab ahna aad ula socoto noloshiisa iyo wax barashadiisaba.
Wixii talo iyo tusaale ah ugu soo hagaaji E-mailada kala ah: agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
|
|
|
Copyright © 2007 agoonta.net All Rights Reserved, Disegned by Xasan C. Xuuriye |