Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 

                                                                                                Agoonta.net    30-11-09  

Agoonta ku xareysan Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU) ayaa nasiib u yeeshay iney ka qeyb qaataan farxaddii  & damaashaadkii ciidul udxiyada, kaddib markii ay walaalaha muslimiinta qurba jooga ahi  soo gaarsiiyeen deeqo kala duwan oo ay ugu tala galeen iney Alle (SWT) ugu dhawaadaan si ay ajar iyo abaalmarin ka wanaagsan ugu bedeshaan, masaakiintaan aan lahayn kafaalo joogta ahna ay ka farxiyaan maalmahaan ciidda, si ay ula mid noqdaan kuwa waalidkood nool yahay oo ay reyn reynta ula wadaagaan.

Deeqaha lasoo gaarsiiyay Agoonta XAU ee B/weyne ayaa isugu jiray lacag, dhar iyo xoolo noolba, iyadoo ay la baxeen kheyr Allaha siiyee walaalo kala jooga Canada, Saudi Arabia iyo meelo kale, innagoo si gaar ah ugu mahad celineyna walaalihii kasoo aruuriyay muslimiinta kale ee soo gaarsiiyay Agoonta, waxaana ka mid ah C/qaadir Xuseen C/lle (Xaasoow) iyo Shukri  Max’ed Cabdi  oo labaduba reer Canada ah ayaa qofkiiba soo diray $150 wadar guudna $300, waxaa isna 5 neef oo ari ah soo gaarsiiyay Eng. Yuusuf Darmaan oo reer Sacuudi ah, sidoo kale 1 neef ari ah waxaa la baxay C/risaaq, dhammaantiinba kheyrka aad u tartanteen Allaha idiinku bedelo dembi dhaaf adduunyada aakhirana janno (Aamiin).

Haddaba aqristoow mar haddii ay agoontii heleen hilibkii iyo bariiskii ay cuni lahaayeen maalmaha ciidda oo dhan ayaa waxaa laga maarmaan noqotay iney u baahan yihiin dhar qurxoon oo ay ku ciidaan, maadaama ay caruur yihiin oo ay dhar qurxoon oo ay ku ciidaan ka jecel yihiin raashiin ay cunaan, ayaa maamulka iyo shaqaalaha websaite-ka  www.agoonta.net  waxay ugu deeqeen oo ay u qeybiyeen dharkii ciidda, iyadoo agoon kastaaba helay surwaal iyo shaati isku joog ah, taasoo u suurta gelisay agoontii iney ciidoodu dhameystiranto, Alle ayaa mahaddaas iska leh.

Sawiradii laga soo qaaday maalmihii ciidda waxaad ka daawan kartaan qeybta hoose.

 

Jazzaakumullaahu kheyran
agoonta.net

  

                 

           

              

                             

Wixii talo iyo tusaale ah ugu soo hagaaji E-mailada kala ah: agoonta@agoonta.net  ama kaafil@agoonta.net

Go to homepage

Copyright©2007 agoonta.net All Rights Reserved, Designed by Xasan C.Xuuriye