Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






Axad 06 Nov. 2011 (AN) Beledweyne-Somalia, mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.

Intaa dabadeed Ciid mubaarak "kulu caam wa antum bikheyr" maanta waa maalintii 1aad ee Ciidul adxa, iyadoo ay maanta tahay maalin farxadeed isla markaana caalamka islaamka si weyn looga dabaaldegay munaasabadda ciida, ayaa magaalada Beledweyne waxa ay kamid tahay magaalooyinka sida weyn maanta looga dabaal degay farxadda ciida, iyadoo xalay roob xoogan oo lagu diirsaday uu ka da'ay magaalada ayey suurta gal noqon weysay in meelo mucayim ah salaadda wadajir loogu tukado, waxayna noqotay in masjidyada lagu tukaday salaaddii Ciidul adxada.

Haddaba Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne oo ka mid ahaa dadweynihii sida weyn u ciiday maanta, ayaa walaalo muslimiinta ka mid ah oo ku kala nool Norway, UK, Canada, Holland iyo New Zealand ay maalmo ka hor soo gaarsiiyeen Xarunta Agoontaan deeqo lacageed oo ay ugu tala galeen iney ku ciidaan agoonta, gaar ahaan udxiyada, taasoo suurta gal ka dhigtay iney maanta farxadda muslimiinta si la mid ah ula qeybsadaan, gaar ahaa ilamaha da'aadooda ah ee aabbayaalkood nool yihiin, iyadoo maantaba loo qalay afar neef oo ari ah, loona qeybiyay lacag shilin soomaali ah, maalmaha ciidda ka harsanna loo qali doono haddii Alle idmo.

Agoonta ayaa maanta wadajir ugu soo duceeyay walaalihii usuurta geliyay farxaddaan ay maanta ku ciidayaan, mid ka mid ah agoonta ayaa waxa uu yiri "Maanta aad ayaan u faraxsanahay, waxayna ii tahay maalin qaas ah, maxaa yeelay waa maalin ay dadka oo dhan faraxsanyihiin, oo ay u dabbaal degayaan farxadda ciida barakeysan ee ciidul Adxa", sidoo kale maamulka agoonta iyo dhammaan shaqaalaha Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ayaa u mahad celiyay walaalihii soo xasuustay maalmahaan ay agoontu aad u mudan yihiin in la farax geliyo, haddaba sawirada hoose waxaad ka arki doontaan farxaddii agoonta iyo sidii ay u ciideen maalintii koowaad ee Ciidul adxa oo maanta ku beegneyd.






























Baaraka-llaahu fiikum
Wa jazzaakumu-llaahu kheyran

 Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie