Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan
Axad 08 December 2011 (AN) Beledweyne-Somalia, mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.
Halkaan waxaan idiinku soo gudbineynaa muuqaalka dhismihii cusbaa ee lagu kordhiyay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne, muuqaalkaan oo hore looga sii daayay TV-ga Somali Channel ayaan ugu tala galnay in qofkii aan waqtigaa daawan uu hadda ka bogto, waxaadna ka arki doontaan qaar ka mid ah guddigii dhismaha xarunta agoonta oo ka warbinaya howlihii ay qabteen iyo kharashkii galay, iyo inta deyn hadda lagu leeyahay.
Ujeedada ugu weyn ee aan caddeyntaan idiinku soo gudbinay ayaa ah inaad sidaad horeba howshaas baaxadda weyn gacanta uga geysateen aad haddana deynta ku harsan dhismaha agoonta aad ka bixisaan, deyntaas oo guddigu ku sheegeen sida aad muuqaalka ka arki doontaan $3362.3 (saddex kun saddex boqol lixdan iyo laba doolar & bar.
Haddaba walaalaha kheyrka jecel waxaan si naxariis leh oo weliba Alle dartiis ah uga codsaneynaa iney gacan ka geystaan sidii deyntaas looga gudi lahaa agoonta, insha'allaahu waxaan Alle ka baryeynaa inuu xoolihiina idiin barakeeyo, idiinna laba laabo, idinkuna anfaco adduun iyo aakhiraba.
Walaal wixii kaalmo ama tabarucaad ah waxaad ugu hagaajin kartaan koontada looga furay Xawaaladda Dahabshiil ee Beledweyne, oo ah sida hoos ku cad:
Sidoo kale qof kasta waxa uu ku soo diri karaa hadba xawaaladda uu la leeyahay macaamilka, isagoo ku soo caddeynaya magaca koontada oo ah "Dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif".
Guddiga Dhismaha Agoonta
Baaraka-llaahu fiikum Wa jazzaakumu-llaahu kheyran
Go to homepage � 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie