Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






Khamiis 22-Nov. 2012 (AN) Beledweyne-Somalia, 

Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ee xarunta gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada B/weyne ayaa deeq raashiin gaarsiisay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne, deeqdaan oo  cadadkeedu ahaa 22.5 kiish oo bariis ah.

Deeqdaan raashiinka ah oo uu madaxa Xawaaladda Dahabshiil ee gobolka Hiiraan Xaaji Cismaan Dhagaxoow guddoonsiiyay maamulka Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne ayaa wax weyn ka bedeli doontaa xaaladooda nololeed, mana aha markii ugu horeysay ee ay Dahabshiil deeq gaarsiiso Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne, insha'allaahu mana noqon doonto markii ugu dambeysay.

Haddaba agoonta xaruntaan oo tiradoodu tahay 116 agoomood ayaa inta badan waxay ku tiirsan yihiin walaalaha muslimiinta ee gudaha iyo dibadda ku nool, ayagoona uga mahad celiyay kaalmada la soo gaarsiiyay, rajo wanaagsanna ka muujiyay in walaalaha kalana ay sidaas oo kale soo xasuustaan oo ay gacan u fidiyaan.

Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie