Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 



agoonta.net
        04-01-10

Alle mahaddiis waxaa Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne lasoo gaarsiiyay deeq lacageed oo cadadkeedu ahayd $580 (shan boqol & sideetan dollar), iyadoo ay soo direen qaar ka mid ah dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway gaar ahaan magaalada  Bergen, oo ay hormuud ka  ahaayeen Jamaad Cali Xirsi iyo Deeqo Saney Garaad iyo kuwa kaleba.

Deeqdan lacageed ee lasoo gaarsiiyay Xarunta agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne oo ay ku xareysan yihiiin 112 agoon ayey u suurto gashay dumarkaan iney iska xilsaaraan soo aruurinteeda kadib markii ay ogaadeen in agoonta ku xareysan xaruntaas aysan haysan kafaalo joogta ah, iyo in qaar ka mid ah agoontaas oo ay gacan ka geysan jireen Guddiga Taakuleynta Agoonta Soomaaliyeed (GTAS), ayna ka go'day kafaaladii ay ka heli jireen GTAS.

Walaalka la yiraahdo Cabdi Saney (Keynaan) ayaa ahaa ninkii uga war bixiyay dumarkaan xaalada agoonta kuna dhiiri geliyay iney ka qeyb qaataan kheyrka, gacanna ka geystaan sidii ay agoontani u sii wadan lahaayeen wax barashadooda, una gaari lahaayeen mustaqbal wanaagsan.

Waxaa jiray in hore dumar kale oo kala jooga wadamo kala gedisan ay sidaan oo kale u gaarsiiyeen xaruntaan deeqo lacageed, dhammaan dumarkaas iyo kuwa hadda ee reer Norway (Bergen) waxey walaalaha muslimiinta soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan dumarka oo lagu yaqaan naxariis badan ka codsadeen iney sidaa iyo si lamid ah uga qeyb qaataan gacansiinta agoonta oo aad wada og tihiin fadliga uu helayo qofkii agoon kafaalo qaada, quudiya ama wixii tabartiisa ah ku taakuleeya.

Annaguna haddaan nahay bahda agoonta.net waxaan marka hore u mahad celineynaa Allaha ay u sugnaatay ammaan dhammaanteed, kadibna walaalaha dumarka reer Norway ee magaalada Bergen, waxaan Alle (SWT) uga baryeynaa wixii ay la baxeen inuu ugu bedelo bedel wanaagsan, waxaanan leenahay dadaalkiina halkaas kasii wada oo haka daaline inaad kheyrka u tartantaan.

 

Wixiitalo iyo tusaale ah ugu soo hagaaji E-mailada kala ah: agoonta@agoonta.net  ama kaafil@agoonta.net

Dib u noqo

Copyright © 2007-2010 agoonta.net All Rights Reserved, Disegned by Xasan C. Xuuriye