|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
|
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-12-2007 deeq lacageed u soo diray Xarunta agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne dumarka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka norway gaar ahaan magaalada Fredrikstad, deeqdaas lacageed oo gaareysay 1600 kroner waa lacagta norwejiga oo u dhigantay $285 (laba boqol sideetan iyo shan dollar) iyagoo lacagtaas usoo dhiibay C/llaahi Cilmi Xiireey oo ka mid ah soomalida degan norway gaar ahaan isla magaaladaas Fredrikstad si uu ugu wareejiyo maamulaha agoonta.net oo agoonta u ah wakiilka iyo xiriiriyaha dibadda, taas oo isla markiiba gaartay gacanta maamulka agoonta.net. Maamulka www.agoonta.net wuxuu ballan qaadayaa Alle idankiis inuu isla berrito 30-12-2007 gaarsiiyo lacagtaas Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne gaar ahaan maamulka kuleejka oo ah Aadan Shariif Aamin. Haweenkaas soomaaliyeed ee kunool Fredrikstad-Norway waxey ka codsanayaan dumarka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney sidaa iyo si kasii wanaagsan u gargaaraan agoonta iyo intii dhibaateysan ee in la kaalmeeyo u baahan. wixii faah faahin dheeri ah kala xiriir Telefoon: +252 1 5510392 ama kusoo dir e-mail: agoonta@agoonta.net.
Wixii talo iyo tusaale ah ugu soo hagaaji E-mailada kala ah: agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
|
|
|
Copyright © 2007 agoonta.net All Rights Reserved, Disegned by Xasan C. Xuuriye |