Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 

  

Dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway gaar ahaan magaalo madaxdiisa Oslo ayaa deeq lacageed soo gaarsiiyay Xarunta agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne, dumarkaan ayaa markii ay arkeen aqriyeena website-ka www.agoonta.net waxay go'aan sadeen iney gacan ka geystaan taakuleynta agoonta, iyagoo ku tabarucay lacag Norweji 3000 kroner ah oo u dhigantay $522 (shan boqol labaatan & labo dollar).

Maryan Cumar Jeelle oo ka mid ah mas'uuliyiinta dumarka reer hiiraan ee wadanka Norway ayaa lacagtaas soo gaarsiisay maamulaha agoonta.net iyadoo ka codsatay inuu  sida ugu dhaqsaha badan u gaarsiiyo Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif, web master-ka oo ka ballan qaaday inuu lacagtaan ku hubsan doono gacanta maamulka agoonta Alle idankiis ayaa ka guddoomay isagoo usii marsiiyay Xawaaladda Amaana Express (amanaonline) oo iyadu horay ugu ballan qaaday agoontaa wixii ku socda ineysan wax khidmo ama xawilaad ah ka qaadeyn ee ay bilaash ku gaarsiin doonto agoonta, waxayna daqiiqado gudahood ku gaartay lacagtaasi meeshii ay u niyeeysteen oo ahayd agoonta ku xareysan Xarunta U. Khaliif ee B/weyne.

Maryan Cumar Jeelle ayaa ka codsatay dumarka soomaaliyeed oo lagu yaqaan naxariis badan iney sidaa iyo si lamid ah uga qeyb qaataan gacansiinta agoonta oo aad wada og tihiin fadliga uu helayo qofkii agoon kafaalo qaada, quudiya ama wixii tabartiisa ah ku taakuleeya.

 

 

Wixii talo iyo tusaale ah ugu soo hagaaji E-mailada kala ah: agoonta@agoonta.net  ama kaafil@agoonta.net

Dib u noqo

Copyright © 2007 agoonta.net All Rights Reserved, Disegned by Xasan C. Xuuriye