Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 

  

Deeq lacageed oo lasoo gaarsiiyay Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/Weyne

Mahad oo dhan Alle ayey u sugnaatay, nabadgelyo iyo naxariistiisana ha ahaato Nebi Muxammed (SCW).

Intaa kadib waxaa jiro carruur agoon ah oo ku xareysan xerada aan magaceeda kor kusoo xusnay, kuwaasoo marka laga soo bilaabo 2003 ilaa hadda aan kafaalo joogto ah helin. Wixii xilligaa ka horeeyayse waxaa gacanta ku hayn jiray Hay'addii Al-xarameyn  oo sida aad ka wada warhaysaan dalkeena gacanta ku hayn jirtay carruur tiro badan oo agoon ah, kuwaas oo ku kala xereysnaa gobolada dalka intooda badan.

Haddaba agoontaan ku xereysan Xarunta Ugaas Khaliif ayaa waxay nasiib u yeesheen iney soo gaartay lacag isugu jirta Zakatul fitri, Zakatul-maal iyo weliba qaar saddaqo kale ah oo ay u soo direen walaalaha soomaaliyeed ee qurbo jooga ah haba ugu badnaadeen reer hiiraan, iyagoo ugu tala galay iney maalinta ciida ah agoontani u ciidaan si lamid ah sida ay u ciidayaan carruurta waalidkood nool yahay.

Deeqdaan lacageed waxay kasoo gaartay meelo kala duwan sida: Waqooyiga America , Yurub,  Asia,  Australia,  Africa, iyadoo inteeda badan ka timid Yurub & W/america.

Maamulka agoonta Shariif Aadan ayaa uga mahad celinaya dhammaan intii soo kaalmeysay agoontaan, isagoo sheegay inuu ka rajeynayo iney kala qeyb qaadan doonaan wax qabad intaan ka ballaaran iyo sidii mustaqbalkooda meel wanaagsan loo garsiin lahaa haddii Alle idmo.

                                      Shariif Aadan                                                     Maamulaha Xarunta agoonta Ugaas Khaliif




 

Wixii talo iyo tusaale ah ugu soo hagaaji E-mailada kala ah: agoonta@agoonta.net  ama kaafil@agoonta.net

Dib u noqo


 

Copyright © 2007 agoonta.net All Rights Reserved, Disegned by Xasan C. Xuuriye