|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |
 |

Walaalayaal bacda salaan mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.
Intaa dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa walaalihii kaalinta weyn ka geystay dhismaha dhulka Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne rag iyo dumarba, iyagoo Alle uu sabab uga dhigay inuu dhismuhu soo gaaro heerka uu maanta marayo, oo ah mid gebagebo ah sida aad sawiradiisa media-ha ka aragteen.
Guddiga ku howlan dhismahaan oo uu ugu horeeyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa in badan baaq codsi dhaqaale u soo jeediyay jaaliyadaha soomaalida ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibaddiisaba si loo dhameys tiro dhismaha agoonta, haddaba Max'ed Axmed C/lle (Qorane) oo degan dalka Canada, ayaa walaalo muslimiin reer Canada ah gaar ahaan magaala Montreal oo ah magaalo madaxda gobolka Quebec waxa uu ka soo aruuriyay deeq lacageed, walaalahaas oo ku mideysan "Muslim Community, Montreal -Lachine" deeqdaas oo gaareysa $1085 (kun sideetan iyo shan doolar), maashaa'allaahu waa wax lagu farxo, isagoo deeqdaa ku wareejiyay guddigii dhismaha ee b/weyne, walaal Qorane iyo inta soo dhiibtayba Allaha ugu abaal gudo wax ka wanaagsan wixii ay la baxeen.
Warbixintii ugu dambeysay ee maanta oo ah 02-09-11, waxay caddeeyeen guddiga dhismaha ee jooja B/weyne in deynta hadda lagu leeyahay dhismaha agoonta ay tahay $4048 (afar kun afartan iyo sideed doolar), Allaa mahad leh ninkii aaminaa awood leh!, walaalayaal waad aragtaan guushii waa dhowdahay waxa haray waa wax aad u yar, sidaa daraadeed waxaan si naxariis iyo alle ka cabsi ku dheehan tahay idiinka codsaneynaa waxa Alla idiin dhiibay inaad wax uga sadaqeysataan, waa agoomo Alle ka sokoow gacantiina u baahan waana bil ramadaan ee saddaqada labalaaba, si dhismuhu u noqdo mid mira dhala, agoontuna ugu nacfiso oo ay kaga kaaftoonto ijaarkii muddada dheer soo jiitamaayay.
Guddiga Dhismaha Agoonta
Baaraka-llaahu fiikum Wa jazzaakumu-llaahu kheyran
Go to homepage � 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |
|