Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
                                       Acc. nr. 2002-0017
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






Walaalayaal bacda salaan mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.

Intaa dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa walaalihii kaalinta weyn ka geystay dhismaha dhulka Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne rag iyo dumarba, iyagoo Alle uu sabab uga dhigay inuu dhismuhu soo gaaro heer dhamaad ah.

Guddiga ku howlan dhismahaan oo uu ugu horeeyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa in badan baaq codsi dhaqaale u soo jeediyay jaaliyadaha soomaalida ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibaddiisaba si loo dhameys tiro dhismaha agoonta, haddaba Jaaliyadda reer hiiraan ee wadanka Denmark  ayaa soo gaarsiiyay guddiga dhismaha Agoonta deeq lacageed, deeqdaas oo gaareysa $700 (todoba boqol doolar).

Lacagtaan ay reer Danmark soo direen ayaa waxaa guddiga dhismaha soo gaarsiiyay Aamino Yuusuf oo ka wakiil ahayd walaalihii soo dhiibay, dhanka kale lacagtaan ugu dambeysay ayaa soo dedejineysa rajada laga qabo in deynta lagu leeyahay agoonta ay dhaqso u dhamaato, wax ka wanaagsan Allaha ugu abaal gudo wixii ay la baxeen, sadaqadoodana Allaha ku dhowro (Aamiin).

Warbixintii ugu dambeysay guddiga dhismaha kadib markii ay lacagtaan gaartay waxay caddeeyeen in deynta hadda lagu leeyahay dhismaha agoonta ay tahay $1700 (kun iyo todoba boqol doolar) oo kaliya, walaalayaal waad aragtaan guushii waa dhowdahay waxa haray waa wax aad u yar, sidaa daraadeed waxaan si naxariis iyo alle ka cabsi ku dheehan tahay idiinka codsaneynaa waxa Alla idiin dhiibay inaad wax uga sadaqeysataan, waa agoomo Alle ka sokoow gacantiina u baahan, si dhismuhu u noqdo mid mira dhala, agoontuna ugu nacfiso oo ay kaga kaaftoonto ijaarkii muddada dheer soo jiitamaayay iyo jiingadihii kuleylka badnaa ee ay subax iyo galab wax ku baranayeen.

Guddiga Dhismaha Agoonta

Baaraka-llaahu fiikum
Wa jazzaakumu-llaahu kheyran

 Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie