|
|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |
|

|

Walaalayaal bacda salaan mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.
Intaa dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa walaalihii kaalinta weyn ka geystay dhismaha dhulka Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne rag iyo dumarba, iyagoo Alle uu sabab uga dhigay inuu dhismuhu soo gebgeboobo.
Haddaba Istarliin Warsame C/lle oo degan wadanka Finland ayaa soo gaarsiiyay guddiga dhismaha Agoonta deeq lacageed, deeqdaas oo gaareysa $100 (boqol doolar), wax ka wanaagsan Allaha ugu abaal gudo wixii ay la baxday, sadaqadeedana Allaha ku dhowro (Aamiin).
Sida aan rajeyneyno haddii Alle idmo berito oo axad ah 18-09-11 ayaa la qaban doonaa xafladii furitaanka dhismaha cusub ee Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne.
Halkaan kala soco sida ay u dhacday xafladaasi iyo dhismihii oo dhameystiran, intii gacan ka geysatay Allaha idiin abaal gudo ayaan idin leenahay.
Guddiga Dhismaha Agoonta
Baaraka-llaahu fiikum Wa jazzaakumu-llaahu kheyran
Go to homepage � 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |