Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Madooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






Isniin 19 Sep. 2011 (AN) B/weyne-Somalia, Xaflad si heer sare ah loo soo qabanqaabiyay oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u farabadan oo ka kala socday qeybaha ay ka kooban tahay bulshada ayaa shalay lagu qabtay magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, xafladdaas oo loo qabtay furitaanka dhismaha cusub ee Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne, ayaa waxa soo qaban qaabiyay guddiga dhismaha agoonta, waxayna u dhacaday si aan laga sheekeyn karin qof goobta joogay mooyee, dadweynihii kasoo qeyb galay waxaa ka mid ahaa: Culuma'udiinka, Odoyaasha dhaqanka, Aqoon yahanada, ganacsatada, Dhallin yarada, Haweenka, qaar ka mid ah qurbajoogta Canada iyo UK,  Mas'uuliyiinta Xarunta Agoonta, agoonta ku xareysan isla xarunta iyo marti sharafba, waxaan goobta ka maqneyn idaacadaha Somali Channel TV, Horn Cabdle TV, agoonta.net, Hiiraan Online.

 

Goobta lagu qabtay xafladdaas furitaanka oo ahayd gudaha xarunta cusub oo ku taal magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, ayaa waxaa furitaankii xafladdaaas ku bilaabay aayado Qur'aanka kariimka ah Max'ed C/llaahi Xasan (M-haadi) oo ah ardaygii ku guuleystay xifdinta quraanka ee kaalinta 1aad galay 30ka juzz ee gobolka hiiraan, kana mid ah agoonta ku xareysan xaruntaas, waxaa xigay wacyi gelin ku aadaneyd agoonta iyo qofkii wax tara ajarka uu helayo, intaa kadib waxaa microphone-ka la wareegay guddigii dhismaha dhulka agoonta, oo ka warbixiyay howshii loo xilsaaray ee ay soo wadeen muddada 5ta bilood ah, iyo dhaqaalihii soo gaaray wixii lagu qabtay, iyagoo goobta ka aqriyay lacagihii soo gaaray guud ahaan iyo wadamadii laga soo kala diray, waxayna sheegeen in kharashka ku baxay dhismahaas uu yahay $55784.5 (kontan & shan kun todoba boqol sideetan iyo afar iyo bar doolar), sidoo kale waxay kasoo qeyb galayaashii xafladda tuseen dhismihii agoonta oo ka koobnaa Iskuul, Dudsi quraan, Jiif, Musqulo, Kushiin, Hall cunto, Hall weysa qaad, Berkad biyaha, Ceel gacmeed (Hand pumb well).

Waxaa isna halkaa ka hadlay Maamulaha Xarunta Agoonta Mudane Aadan Shariif Amiin, oo ka warbixiyay heerarkii aysoo martay xarunta agoonta, una mahad celiyay walaalihii suurta geliyaya dhismahaan, inta badan kasoo qeyb galayaashii wey ka wada hadleen goobtaas, waxaanse la iloobi karin agoonta oo goobta kusoo bandhigay boorar ay ku qornaayeen hal kudhigyo mahad celin ah oo ay walaalahood dibadda ku nool uga mahad celinayeen dhismaha ay u dhiseen, gaar ahaan dumarka ayey si qaas ah ugu xuseen boorarka oo suurta geliyay 70% dhaqaalihii galay dhismahaas, qurba joogta waxaa u hadlay Max'ed Axmed C/lle (Qorane) oo reer Canada ah iyo Sh. Calikheyr Cumar Guure oo isna UK ka socday.

Liiska wadamada lagaha laga soo kala diray

No.

Dalka

Qiimaha

1

Norway

         $11500

2

UK

$9390

3

Kenya

$7700

4

Canada

$5693

5

USA

$5090

6

Denmark

$3454

7

Sweden

$2895

8

Holland

$1885.5

9

Qatar

$1457

10

Australia

$1700

11

Germany

$1000

12

Tanzania

$1000

13

Somalia

$880

14

Uganda

$650

14

Austria

$300

15

Finland

$240

16

Belgium

$200

17

New zealand

$100

18

Lacago aan la garan

$650

19

Total

$55784.5



Guddiga Dhismaha Agoonta

Baaraka-llaahu fiikum
Wajazzaakumu-llaahu kheyran

Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie