|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid Isniin 19 Sep. 2011 (AN) Nairobi-Kenya, Xaflad mahad celin iyo qada sharaf isugu jirtay oo si heer sare ah loo soo qabanqaabiyay ayna ka soo qeyb galeen dadweyne aad u farabadan oo ka kala socday qeybaha ay ka kooban tahay bulshada ayaa shalay lagu qabtay Hotel Kaah oo ku yaal xaafadda Eastliegh ee magaalada Nairobi-Kenya, xafladdaas oo loo qabtay furitaanka dhismaha cusub ee Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne ayaa waxaa gogosha qada sharafta fidiyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa guddigii dhismaha Xarunta cusub ee agoonta, keenayna tala ah in agoonta loo dhiso hoy ay iyagu leeyihiin kaddib markii la beeciyay mid ka mid ah guryihii kirada ahaa ee ay ku jireen, dadweynihii kasoo qeyb galay waxaa ka mid ahaa: Culuma'udiin, Odoyaal dhaqameedyo, Aqoon yahanno, ganacsato, Dhallin yarada, Haweenka, qaar ka mid ah qurbajoogta Norway, UK iyo marti sharaf kale, waxaana goob joogayaal ka ahaa idaacadaha Somali Channel TV, Horn Cabdle TV, Somali Satellite TV, agoonta.net, Hiiraan Online iyo Somali Radio Online. Haddaba markii la qadeeyay, xafladdiina bilaabantay ayaa lagu bilaabay ayaado quraan ah, ka dibna waxaa la guda galay furitaankii xafladda, iyadoo uu daadihinayay Ustaad Aadan, waxaa halkaa ka hadlay qaar ka mid ah kasoo qeyb galayaashii qada sharafta, gebagebadiina waxaa lagu soo dhaweeyay microphone-ka Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo soo bandhigay sawirada dhismaha cusub ee agoonta, una mahad celiyay marka hore kasoo qeyb galayaashii shirka, jaaliyadaha qurbajoogta iyo kuwa gudaha, isagoo ku ammaanay kaalintii ay ka geysteen dhismaha cusub ee agoonta, si gaar ahna u xusay dumarka iyo doorkii ay ka ciyaareen dhismaha cusub ee agoonta.
Ugaas C/raxmaan waxa uu ka soo qeyb galayaashii iyo caalamkaba u sheegayay kharashka ku baxay dhismahaas uu noqday $55785.5, sidoo kale wuxuu goobta ka aqriyay shahaado sharafyo uu guddoonsiiyay jaaliyadihii iyo shaqsiyaadkii gacanta ka geystay agoonta iyo dhismaha cusub, jaaliyadihii ay lacagahaasi ka kala yimaadeen ee shahaadooyinka la guddoonsiiyay waa: Liiska wadamada lacagaha laga soo kala diray
Shaqsiyaadkii la guddoonsiiyay shahaadooyinkaas waxaa ka mid ahaa: 1- Norway: Ruqiyo Sh. Ibraahim oo kaalinta ugu weyn ka 3- Kenya: C/qaadir Sh. Muumin, Max'ed Cabdi Weydow (Deeqow) 4- Canada: Dahabo Xuuriye Cali, Muslim Community Montreal, Axmed 5- USA: Cadar Faarax Laqanyo, C/llaahi Cali Axmed, Faadumo Xasan 6- Denmark: Faadumo Daahiye C/lle. 7- Sweden: Ruun Buulle, Khadiijo Cabdi Gaab. 8- Holland: Waris Faarax Ducaale, Khadiijo Ibraahim, Shukri Yuusuf 9- Qatar: Cumar Xaaji Mustafa. 10- U.A.E.: C/risaaq Xuseen Maalin (Maamulaha Xawaaladda Amaana Online) 12- Germany: Luul Xasan Caddoow. 13- Tanzania: Mahad C/llaahi Nuur. 14- Somalia: Aadan Shariif Amiin (Maamulaha Agoonta), Guddiga 15- Uganda: Jaaliyadda reer Hiiraan ee Kampala. 16- Austria: C/risaaq Ashkir. 17- Belgium: C/xakiim Cumar Macallin. 18- New zealand: Fardowso Cali Max'uud (Gama'diid).
|
|