Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017  
            Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Rx Halkaan 

 

Walaalayaal bacda salaan mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.

Itaa dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa walaalihii kaalinta weyn ka geystay dhismaha dhulka Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne rag iyo dumarba, iyagoo Alle uu sabab uga dhigay inuu dhismuhu soo gaaro heerka uu maanta marayo, oo ah mid dhameystir u baahan sida aad sawiradiisa media-ha ka aragteen.

Guddiga ku howlan dhismahaan oo uu ugu horeeyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa in badan baaq codsi dhaqaale u soo jeediyay jaaliyadaha soomaalida ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibaddiisaba si loo dhameys tiro dhismaha agoonta, haddaba qaar ka mid ah gabdhaha jaaliyadda reer hiiraan (Xawaadle) ayaa maanta oo ah 28-07-11 gaarsiiyay guddigii dhismaha agoonta deeq lacageed oo dhan $1000 (kun doolar), deeqdaas oo baahida jirta awgeed wax badan ka qaban doonta howsha dhismaha ee halkaas ka socota.

Ma ahan markii ugu horeeyay ee dumarka Xawaadle ee Toronto (Canada) ay deeq gaarsiiyaan dhismahaas loo dhisayo Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne, bishii May 2011 ayey ahayd markii ay lacag cadadkeedu dhan yahaya $3000 soo gaarsiiyeen guddiga dhismaha agoonta, insha'allaahu mana noqon doonto markii ugu dambeeyay  balse illa uu dhismuhu ka dhammaado hadba wixii tabartooda ah way ku saacidi doonaan dhismahaas haddii alle idmo.

Dumarku waa kuwa ugu badan ee kheyrka ka qeyb qaata sida Masjidyada, Agoomaha, Abaaraha iyo wixii kheyr ah oo dhan, waloow ay ragga qaarkoodna si fiican uga qeyb qaateen, insha'allaahu maalin ay maanta uga baahi badan yihiin ayey ku farxi doonaan wixii ay hor marsadeen, Allana waxaan uga baryeynaa inuu ku xifdiyo sadaqada ay la baxeen.  

Walaalayaal lacag deyn fara badan ayaa lagu leeyahay dhismahaan, dhameystirna waa loo baahan yahay, sidaa daraadeed waxaan si naxariis iyo alle ka cabsi ku dheehan tahay idiinka codsaneynaa waxa Alla idiin dhiibay inaad wax uga sadaqeysataan si dhismuhu u noqdo mid mira dhala, agoontuna ugu nacfiso oo ay kaga kaaftoonto ijaarkii muddada dheer soo jiitamaayay.

Guddiga dhismaha dhulka agoonta 

Go to homepage 
Copyright2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye