Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017  
            Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan 


                                        Walaal Alle dartiis ugu kaalmee Agoonta,  adigana Alle ayaa kuu kaalmeynaya insha'allaahu

 

Walaalayaal bacda salaan mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.

Itaa dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa walaalihii kaalinta weyn ka geystay dhismaha dhulka Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne rag iyo dumarba, iyagoo Alle uu sabab uga dhigay inuu dhismuhu soo gaaro heerka uu maanta marayo, oo ah mid dhameystir u baahan sida aad sawiradiisa media-ha ka aragteen.

Guddiga ku howlan dhismahaan oo uu ugu horeeyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa in badan baaq codsi dhaqaale u soo jeediyay jaaliyadaha soomaalida ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibaddiisaba si loo dhameys tiro dhismaha agoonta, haddaba jaaliyadda soomaalida ee wadanka norway oo ka mid ah jaaliyadaha inta badan caawiya agoonta , kana jawaabaya baaqaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 05-08-11 ama 05-09-1432h waxa ay gaarsiiyeen guddiga dhismahaas deeq lacageed oo gaareysa $1000 (kun doolar), mana ahan markii ugu horeysay ee ay deeq lacageed ku deeqaan dhismahaas, mana noqon doonto markii ugu dambeeyay 
balse illa uu dhismuhu ka dhammaado hadba wixii tabartooda ah way ku saacidi doonaan dhismahaas haddii alle idmo. 

Walaalayaal sida ay soo caddeeyeen guddiga dhismahaan lacagta lagu leeyahay dhismahaan waa $15643.5, ilaa $5000 oo dhameystir ahna waa loo baahan yahay, isugeyn kharashka loo baahan yahay waa $20000, sidaa daraadeed waxaan si naxariis iyo alle ka cabsi ku dheehan tahay idiinka codsaneynaa waxa Alla idiin dhiibay inaad wax uga sadaqeysataan si dhismuhu u noqdo mid mira dhala, agoontuna ugu nacfiso oo ay kaga kaaftoonto ijaarkii muddada dheer soo jiitamaayay.

Jazzaakumu-llaahu kheyran

Go to homepage 

2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie