Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |

|

Sabti 01-Oct. 2011 (AN) Beledweyne-Somalia, mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.
Intaa dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa walaalihii kaalinta weyn ka geystay dhismaha dhulka Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne rag iyo dumarba, iyagoo Alle uu sabab uga dhigay inuu dhismuhu soo gebgeboobo.
Haddaba maadaama ay jireen howlo yar yar oo ka harsanaa dhameystirka dhismahaas agoonta, kharashka ku bixi karana lagu qiyaasay ugu badnaan $2000 ayey Nimco Cali Kuule iyo gabdho kale oo degan wadanka Finland waxa ay guddigii dhismaha Agoonta gaarsiiyeen deeq lacageed, deeqdaas oo gaareysa $650 (lix boqol iyo konton doolar), wax ka wanaagsan Allaha ugu abaal gudo wixii ay la baxeen, sadaqadoodana Allaha ku dhowro dhammaantood (Aamiin).
Guddiga Dhismaha Agoonta
Baaraka-llaahu fiikum Wa jazzaakumu-llaahu kheyran
Go to homepage � 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |