Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |

|

Axad 23-Oct. 2011 (AN) Beledweyne-Somalia, mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.
Intaa kadib mahadda Alle dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa Timiro Max'ed Xuseen oo deeq lacageed soo gaarsiisay Guddigii Dhismaha Dhulka Agoonta ee B/weyne, lacagtaas oo cadadkeedu ahaa $410 (afar boqol & toban doolar), lacgtaan ayaa qeyb ka qaadan doonta baahidii taagneyd ee dhameystirka dhismahaas, baahida weli jirta oo aan hore halkaan ugu soo bandhignay walaalaha Muslimiinta ee kheyrka jecel ayaa ahayd: *- In loo baahan yahay meelo ay ku nastaan xilliga ay agoontu nasashada ku jiraan, sida kuraasta dhaadheer ee aan u naqaan foomka (Banches), maadaama ay markii hore dermo ama katiifado isticmaali jireen, hadda waxaan laga fursaneyn iney helaan jewi ka duwan kii markii hore.
*- In loo baahan yahay qolweyn (Hall) oo ay marna dugsi quraan u isticmaalaan, marna tartamada agoonta marna shirarka, isla markaana loo qalabeeyo Hall-ka, Iskoolka iyo qolka cuntada dhammaantood, maadaama ay ka arradan yihiin xagga kuraasta iyo miisaska intaba
Ugu dambeyntii waxaan dhammaanteen Timiro Max'ed Xuseen ugu duceyneynaa inuu Jannatul firdows ugu abaal gudo sadaqada ay la baxday.
Guddiga Dhismaha Agoonta
Baaraka-llaahu fiikum Wa jazzaakumu-llaahu kheyran
Go to homepage � 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |