Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






Axad 13 November 2011 (AN) Beledweyne-Somalia, mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.

Mahadda Alle dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa qaar ka mid ah walaalaha reer hiiraan ee waqooyiga America gaar ahaan magaalada Los Angeles oo deeq lacageed soo gaarsiiyay Guddiga Dhismaha Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne,  lacagtaas oo cadadkeedu ahaa $850 (sideed boqol & konton doolar), ayaa qeyb ka qaadan doonta baahidii taagneyd ee dhameystirka dhismahaas, lacagtaan ay soo direen qaar ka mid ah reer LA, ayaa waxaa Guddiga Dhismaha soo gaarsiiyay Mr. Fargeeto oo sarkaal hore ah, haddana kana mid ah odoyaasha Los Angeles.

Walaalihii soo diray dhaqaalahaan ee soo xasuustay agoontaan iyo intii kasoo gudbisayba waxaan leenahay Alle ha idiin dembi dhaafo, sadaqadiinana wax ka wanaagsan ha idiinku bedelo (Aamiin).

Dhammaan inta ku howlan arrimaha agoonta waxa ay walaalaha Muslimiinta ka codsanayaan iney ku daydaan walaalahooda kale ee kheyrka u tartamaya, ayna kaalintooda ka qaataan.

Guddiga Dhismaha Agoonta

Baaraka-llaahu fiikum
Wa jazzaakumu-llaahu kheyran

 Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie