Mahadda Alle dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa qaar ka mid ah Dumarka reer hiiraan ee Waqooyi america gaar ahaan dalka Canada, oo deeq lacageed soo gaarsiiyay Guddiga Dhismaha Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, lacagtaas oo cadadkeedu ahaa $1000 (kun doolar), lacagtaan oo ay soo kala direen Maryan Max'ed Maalin iyo Muraayad Xaaji Afrax ayaa lagu soo hagaajiyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ah ugaaska ugaasyada Gobolka Hiiraan, kana mid ah guddiga dhismaha dhulka Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne, kuna sugan dalka Kenya, magaalada Nairobi.
Ugaaskuna wuxuu usii gudbiyay guddiga dhismaha agoonta ee jooga Beledweyne, lacagtaas oo markiiba laga sii dhiibay deyntii lagu lahaa, iyadoo deynta hadda lagu leeyahay dhismaha agoonta ay tahay $2362.3, haddaba dumarkii soo dhiibay lacagtaas waxaan Ilaahey uga baryeynaa inuu sadaqadooda miisaanka wanaagsan ugu daro, una barakeeyo xoolahooda (Aamiin).
Dhismahaan cusub ee Agoonta oo intiisa badan lacagtii ku baxday ay bixiyeen dumarka reer Hiiraan, ayaa weli waxaa muuqata ineysan dumarku ka caajisin sidii ay u dhemeystiri lahaayeen howlaha ka harsan dhammeystirkiisa, waad aragtaan markii baahi laga soo sheegaba waxa ugu horeeya ee codsiyada kasoo jawaaba waa iyaga, Alloow xafid oo darajeey.
Ugu dambeyntii guddiga dhismaha dhulka agoonta oo mahad aan la soo koobi karin u celinaya dumarka reer hiiraan ee Canada ee soo dhiibay lacagtaan, ayey walaalaha kale ee muslimiinta ka codsanaya iney ku daydaan dumarkaas, oo sidaas oo kale gacan siiyaan walaalahooda agoonta ah, oo Alle bacdigiis inoo wada bahan, deyntana ay ka bixiyaan.