Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |

|
Axad 18 December 2011 (AN) Beledweyne-Somalia, mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.
Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne oo dhismaheeda laba bilood ka hor lasoo gabagabeeyay, furitaankii dhismahaasna xaflado kala duwan loogu sameeyay magaalooyinka B/weyne iyo Nairobi, sidaan hore halkaan iyo meelo kale oo badan aan kusoo bandhignay ay dhismahaas ka harsanaayeen howlo dhameystir ah waxaana ka mid ahaa: qalabeyn la qalabeeyo xarunta sida qalabka wax barashada, kuraasta iyo miisaska iskoolka, in loo dhiso meel ay tartamada iyo shirarka ku qabsadaan, in loo sameeyo jardiinooyin iyo meelo ay ku nastaan xilliga ay firaaqada leeyihiin, iney helaan meel ay ku duktaan kuna cibadeystaan, I.W.M., ayaa maalmahaan waxaa ka socday xaruntaas cusub howlo dhameystir ah oo ka mid ah kuwa aan kor kusoo sheegnay ee dhismahaa ka harsanaa.

 Agoonta oo ku qadeynaya Hall-ka cusub ee loo dhisay
 Guddiga Dhismaha Agoonta oo ay jaaliyadaha dibadda telefoon kula soo xiriireen iyagoo ku sugan Xarunta cusub ee agoonta
 Guddiga Dhismaha Agoonta qaarkood oo uu ku jiro maamule Aadan Shariif oo agoonta qado ugu qeybinaya Hallka cusub ee hadda loo dhisay
Waxaa dhawaan la soo gabagebeeyay dhisme hall cusub oo lagu kordhiyay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne, hall-ka waxaa kale oo wehliya kuraas & miisas lagu dhex sameeyay sida aad sawirada ka arki doontaan, hall-kaas oo wax weyn u tari doona xarunta iyo agoontaba insha'allaahu, sababtoo ah waxa ay aad ugu baahnaayeen meel haddii ay dhexdooda ama dugsiyada iyo iskoolada kale ay tartamayaan ay ku qabsadaan, ama ay mararka qaar iyagu ku nastaan, ama ay ku cunteeyaan, waxaa kale oo laga qabtay xarunta cusub iyadoo musqulaha wejigooda hore uu markii hore shamiinteysneyn, haddase la shamiiteyay, waxaa kale oo laga qabtay iyadoo dhammaan qolalka jiifka daaqadaha iyo albaabada loogu dhejiyay shabaqa kaneecada, kadib markii roobab badan oo ka da'ay gobolka awgeed ay kaneecadu ku soo badatay.

 Agoonta oo ay farxad aan la soo koobi karin ka muuqato wejiyadooda, kuna qadeynaya dhismaha cusub ee lagu soo kordhiyay Xarunta Agoonta
Qaar ka mid ah guddigii loo xilsaaray Dhismaha Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif oo saxaafada ku soo bandhigay muuqaalka dhismahaas lagu soo kordhiyay xarunta iyo kharashkii ku baxay ayaa sheegay in hall-ku qaadi karo 180-200 qofood, dhaqaalaha ku baxay howlahaasna uu yahay $5212.3 (shan kun laba boqol toban & laba doolar iyo bar), waxaa koontada ugu jirtay oo laga dhiibay $1850 (kun sideed boqol iyo konton doolar) oo ah lacagtii ay dumar & rag reer Finland iyo USA ah ay soo direen furitaankii xarunta kadib, sidoo kale waxaa dalka Canada naga soo gaaray $1000, oo ay nasoo kala gaarsiiyeen Maryan Max'ed Maalin iyo Muraayad Xaaji Afrax, deynta hadda lagu leeyahay $2362.3 (laba kun saddex boqol lixdan iyo laba doolar & bar).
Haddaba walaalaha muslimiinta ah ee howshaan kheyrka badan bilaabay, waxaan ka codsaneynaa iney inta hartayna noo dhammeystiraan, oo ay deynta yar ee nalaku leeyahay aay naga bixisaan, Allana waxaan idiinka baryeynaa inuu xoolahiina idiin barakeeyo.
  Wariyaasha Somali Channel TV oo goobta agoonta ka soo hadlaya
 Sallaal X. Labani (bidix) iyo Xaaji Cismaan Dhagaxoow (midig) oo ka mid ah Guddiga dhismaha Agoonta oo u warramaya TV-ga Somali Channel
Guddiga Dhismaha Agoonta
Baaraka-llaahu fiikum Wa jazzaakumu-llaahu kheyran
Go to homepage
� 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |