Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 




 


Jimco 06 January 2012 (AN) Beledweyne-Somalia, mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.

Mahadda Alle dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa qaar ka mid ah Dumarka reer hiiraan ee waqooyiga america, oo deeq lacageed soo gaarsiiyay maamulka Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne Aadan Shariif Amiin, lacagtaas oo tiradeedu ahayd $750 (todoba boqol & konton doolar), ayaa waxaa soo kala diray Cadar Faarax Laqanyo oo $450 soo gaarsiisay iyo Nasro Max'ed Xuseen oo iyadana $300 uu maamulka xarunta agoonta ka guddoomay.

lacagtaas oo qeyb ka dabooli doonta nolosha agoonta xaruntaas, ayey farxad weyn gelisay agoonta iyo maamulka xarunta, maadaama aysan agoontu haysan kafaalo joogto ah oo baahidooda daboosha, sidoo kale waxaa dalka Canada naga soo gaaray $50 oo uu Cali Max'ed Xasan soo gaarsiiyay maamulka Xarunta Agoonta, dhammaantood waxaan leenahay jazzaakumullaahu kheyran wa baarakallaahu fiikum.

Cadar Faarax Laqanyo iyo Nasro Max'ed Xuseen ma ahan markii ugu horeysay ee ay xaruntaan agoonta soo gaarsiiyaan deeqo lacageed, mana noqon doonto markii ugu dambeysay insha'allaahu, marar badan ayey xaruntaan soo gaarsiiyeen lacago ay naftooda iyo walaalo kalaba ka soo qaadeen.



Guddiga Dhismaha Agoonta

Baaraka-llaahu fiikum
Wa jazzaakumu-llaahu kheyran

 

 

 

 

 

 

 


 

Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie