Walaalayaal bacda salaan mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.
Intaa dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa walaalihii kaalinta weyn ka geystay dhismaha dhulka Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne rag iyo dumarba, iyagoo Alle uu sabab uga dhigay inuu dhismuhu soo gaaro heerka uu maanta marayo, oo ah mid gebagebo ku dhaw sida aad sawiradiisa media-ha ka aragteen.
Guddiga ku howlan dhismahaan oo uu ugu horeeyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa in badan baaq codsi dhaqaale u soo jeediyay jaaliyadaha soomaalida ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibaddiisaba si loo dhameys tiro dhismaha agoonta, haddaba jaaliyadda reer hiiraan ee dalka USA gaar ahaan magaalada Virginia oo ka jawaabaya baaqii guddiga dhismaha ayaa gaarsiiyey deeq lacageed guddiga dhismahaas, deeqdaas oo gaareysa $1000 (kun doolar), maashaa'allaahu waa wax lagu farxo.
Walaalayaal sida ay soo caddeeyeen guddiga dhismahaan lacagta lagu leeyahay dhismahaan waa $15643.5, ilaa $5000 oo dhameystir ahna waa loo baahan yahay, isugeyn kharashka loo baahan yahay waa $20000, qiimeyntaas dabadeed lacagta la helay oo ah $12350 marka totalka loo baahnaa laga jaro weli waxaa harsan $7650, sidaa daraadeed waxaan si naxariis iyo alle ka cabsi ku dheehan tahay idiinka codsaneynaa waxa Alla idiin dhiibay inaad wax uga sadaqeysataan waa bil ramadaane, si dhismuhu u noqdo mid mira dhala, agoontuna ugu nacfiso oo ay kaga kaaftoonto ijaarkii muddada dheer soo jiitamaayay.
Baaraka-llaahu fiikum
Wa jazzaakumu-llaahu kheyran