Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
                                       Acc. nr. 2002-0017
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






Walaalayaal bacda salaan mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.

Intaa dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa walaalihii kaalinta weyn ka geystay dhismaha dhulka Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne rag iyo dumarba, iyagoo Alle uu sabab uga dhigay inuu dhismuhu soo gaaro heerka uu maanta marayo, oo ah mid gebagebo ku dhaw sida aad sawiradiisa media-ha ka aragteen.

Guddiga ku howlan dhismahaan oo uu ugu horeeyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa in badan baaq codsi dhaqaale u soo jeediyay jaaliyadaha soomaalida ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibaddiisaba si loo dhameys tiro dhismaha agoonta, haddaba jaaliyadda reer hiiraan ee dalka Holland oo ka jawaabaya baaqii guddiga dhismaha ayaa soo gaarsiiyey deeq lacageed guddiga dhismahaas, deeqdaas oo gaareysa  $1085 (kun sideetan iyo shan doolar), maashaa'allaahu waa wax lagu farxo.
 

Walaalayaal sida ay soo caddeeyeen guddiga dhismahaan lacagta hadda lagu leeyahay dhismahaan waa $5500, sidaa daraadeed waxaan si naxariis iyo alle ka cabsi ku dheehan tahay idiinka codsaneynaa waxa Alla idiin dhiibay inaad wax uga sadaqeysataan, waa agoomo Alle ka sokoow gacantiina u baahan waana bil ramadaan ee saddaqada labalaaba, si dhismuhu u noqdo mid mira dhala, agoontuna ugu nacfiso oo ay kaga kaaftoonto ijaarkii muddada dheer soo jiitamaayay.

Baaraka-llaahu fiikum
Wa jazzaakumu-llaahu kheyran

 Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie