|
|
Walaal waxii aad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada ay ku leeyihiin Xawaaladda Amaana ee Dubai Acc. nr. A2002-0017 |
|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |
|
|
Axad 22 January 2012 (AN) Beledweyne-Somalia, mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.
Maamulka Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU) iyo Guddiga Dhismaha agoontaas ayaa la soo gaarsiiyay deeq lacago kala duwan oo ka koobneyd $1580 (kun shan boqol iyo tan doolar), iyadoo u soo kala gaartay sidatan: $200 oo ka timid dalka New zealand, $1170 oo laga soo diray dalka UK iyo $210 oo ka soo gaartay wadanka Norway.
Deeqdaan ahayd lacagaha kala duwan ayaa waxaa ku kala qorna oo soo kala dhiibay qof dumarka soomaaliyeed ah iyo dumarka reer Hiiraan oo intuba agoonta u caawiya Alle dartiis, iyagoo ku kala dhaqan wadammada aan kor ku soo sheegnay, waxaana agoonta lacagahaas gaarsiiyay oo ku qornaa Safiya Cilmi Fariid (Newzealand), Geello Max'ed (UK) iyo Ruqiyo Sheekh Ibraahim (Norway).
Dumarka Soomaaliyeed waa kuwa ugu badan oo kaalinta ugu weyn ka qaata arrimaha bulshada ama samafalka ee gudaha dalkeenii iyo weliba qurbaha, Allaha idin xifdiyo hana idiin barakeeyo xoolihiina (Aamiin), dhammaanteena waxaan idiinka mahad celineynaa taakuleynta aad mar walba agoonta Alle dartiis u caawisaan, insha'allaahu miisaanka wanaagsan inuu Alle idiinku daro wax qabadkiina ayaan rajeyneynaa.
Sideed u aragtaa wax qabadka dumarkeena ee waqtigan adag, fekerkaada ka dhiibo oo jawaabtaada ku qor halka hoose
Go to homepage
©2007-2012, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie
|