Walaal waxii aad awoodo Agoonta ugu hagaaji
Koontada ay ku leeyihiin Xawaaladda Amaana ee

Dubai Acc. nr. A2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
fadlan soo buuxi form-kaan
Riix halkaan

 

Axad 08 January 2012 (AN) Beledweyne-Somalia, mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.

Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU) ayaa la soo gaarsiiyay deeq raashiin noocyo kala duwan oo ka koobneyd: Bariis, Sokor, Bur, Saliid, Timir iyo Boorash, tirada deeqdaan ayaa noqoneysa tii ugu badneyd oo nooceeda ah ee xaruntaan lasoo gaarsiiyo abid, waa markii ugu horeysay ee baabuur sida raashiin noocyadiisa kala duwan ah la keeno xaruntaan (XAU) tan iyo markii la aas-aasay sannadkii 1998dii sida aan taariikhda ku hayno.

Deeqdaan isugu jirta raashiin kala duwan ayaa ka timid magaalada Muqdisho waxaana soo kala dhiibay mahadi ha ka gaartee Guddiga Taakuleynta Agoonta Soomaliyeed (GTAS) iyo Hay'adda Al-manhal al-kheyriya oo labadaba fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, waxaana labada hay'adood nooga kala wakiil ahaa Sh. Max'ed Rashaad oo GTAS ah iyo C/fataax Xasan Axmed (shimbiroow) oo isagana Al-manhal ka tirsan.




Labadaan Hay'adood wax qabadkooda ku aadan agoonta ma ahan oo kaliya deeqdaan raashiinka, ee wax ka badan ayey u qabtaan Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne ama ay u qabteen, haddii aan mid mid usoo qaadano:

1- Guddiga Taakuleynta Agoonta Soomaaliyeed (GTAS), muddooyinkaan
    dambe waxa uu qeyb ka qaataa kafaalada agoonta xaruntaan, isaga oo 
    bil alba bixiya $1250 oo loogu tala galay 50 agoon oo ka mid ah 114ka 
    agoon ee ku xareysan xaruntaan, lacagtaas oo aysan ku jirin maamulka, 
    macallimiinta  iyo shaqaalaha xarunta.

2- Hay'adda Al-manhal al-kheyriya waa hay'adda xarunta cusub ee 
    agoontaan loo dhisay ku deeqday una qoday ceel gacmeed (hand pumb), 
    kaa soo aad sawiradiisa hore u aragteen, haddana aad hoos ka arki    
    kartaan.

Haddii aan nahay maamulka iyo shaqaalaha agoonta waxaan walaalahaan deeqda noo soo dhiibay Allah (SWT) u weydiineynaa dembi dhaaf iyo jannatul Firdowsa insha'allaahu (Aamiin).



Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie