Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






agoonta.net  01-03-13

Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne ayaa  lasoo gaarsiiyay deeq lacageed, deeqdaas oo naga soo gaartay wadanka Australia ayaa cadadkeedu ahaa $900 (Sagaal boqol doolar), waxaana ay naga soo gaartay ajar aan la soo koobi karin Alle ha ugu bedelee walaasheen Istarliin Cumar Xubur.

Lacagtaan oo waqtigeedu ahaa mar hore ayaanan halkaan ku soo qorin sida ballanteenu ahayd, sabab xagga webka oo waqtigaa muddo hawada ka maqnaa awgeed, markii uu dib u hawl galayna la iloobay.

Walaasheen Istarliin iyo intii la bixisayba waxaan idin leenahay raali ahaada, wax walbana waa niyada.

Haddaba maamulka, macallimiinta iyo agoontuba waxa ay si weyn ugu mahad celinayaan walaalihii soo dhiibay lacagahaas, iyagoo Alle (SWT) uga baryay inuu maalinta qiyaamo miisaanka xasanaadka ugu daro (Aamiin).

 

Go to homepage

2007-2013, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie