Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Magaca: Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif, Acc. nr. 2002-0017 Dubai , ama riix halkaan
            Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Rx Halkaan 

 

 Assalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

Walaalayaal mahad idilkeed Alle ayey u sugnaatay, nabadgelyo iyo naxariista Allana dushiisa ha ahaato Nebi Muxammad iyo ehelkiisa, asxaabtiisa, intaa dabadeed waxaan halkaan idiinku soo bandhigeynaa warbixinno iyo muuqaallo la xiriira halka uu marayo dhismaha dhulkii cusbaa ee loo dhisayay Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne.


Walalaaha muslimiinta ee kheyrka jecel intii horay gacan uga geysatay iyo inta hadda ku tala jirta iney ka qeyb qaato kheyrkaan ama saddaqadaan jaariyada ah annagoo idinkaga mahad celineyna wixii ay la baxeen lana bixi doontaan insha'allaahu, ayaa waxaan media-ha kol hore ku soo bandhignay wejigii 1aad ee dhismaha dhulka cusub ee Agoonta Xarunta Ugaas khaliif ee magaalada b/weyne, wejiga 1aad oo ahaa gogol xaarkii iyo u diyaar garoowgii dhismaha dhulka cusub ee agoonta, sida nadiifintii dhulka, jaristii geedihii ka baxay, iyo guristii qashinkii halkaa yiil.


Markaanna waxaan idiin soo bandhigeynaa wejiga 2aad (phase 2), oo isna noqonaya dhaqaalihii nasoo gaaray wixii aan ku qabannay, taas oo ah dhismo derbi aan kusoo wareejinay dhulkii banaanaa iyo ganjeel aan ku dhejinay, dhismahaas oo aad sawirada ka arki doontaan.


Haddaba walaalaha muslimiinta eed ee kheyrka jecel gudaha iyo dibaddba
waxaan ka codsaneynaa maadaama aan dhismihii rasmiga ahaa bilaabeyno baahi dhaqaale oo deg deg ahina jirto weliba si naxariis leh oo Alle dartiis ah looga codsanayaa iney gacan ka geystaan dhismaha dhulkaas loogu magac daray "dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif", dhammaan teen innagoo wada garaneyna agoonta oo gacan la siiyo darajada ay Alle agtiisa ka taaga ntahay


ayaan mar labaad walaalaha muxsiniinta ka codsaneynaa iney nagu garab istaagaan dhismaha dhulkaas, waxaana jira guddi loo xil saaray dhismaha dhulka agoontaas oo ka kooban 15 qofood, oo loo bixiyay "guddiga dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif", magacyadooda & waliba telefoonadooda hoos ayaad ka heli doontaan, waxaana intaa dheer in xawaaladda Dahabshiil looga furay koonto lacagaha loogu soo shubi karo oo ah sida hos ku cad:

Liiska guddiga dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif

1- Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif          +254722907283
2- X. Cismaan Dhagaxoow                         +252615564002
3- Ibraahim Cali Axmed (saneey)            +252615327424
4- Nuur Cumar Cali                                    +252615580621
5- C/qaadir Nuur Liibaan                          +2525965836
6- Sallaal Labani                                          +252615564173
7- Xasan Max'ed Fareey (Computer)      +252615578257
8- Aadan Sahrif Amiin                                +252615510392
9- Xasan Ibraahim Xalane                         +252615580669
10- Abuukar Cali Keynaan                        +252615564001
11- Muumin C/lle Xasan (M-dheere)      +252615576093
12- C/llaahi Yuusuf Gaab                          +252615564087
13- Sh. Cumar Cali C/lle (C-lugeey)         +252615221306
14- Saalim X. Cumar Jaabiri                     +252615517102
15- Xasan Cismaan Xuuriye                      +4748037525

Magaca koontada waa "Dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif"
Xawaaladdu waa Dhabshiil
Account nr.: BWYD000056

Wixii faah-faahin intaa dheer kala so xiriira telefoonada guddiga ama e-mailkan gudiga.agoonta@hotmail.com

Sidoo kale qof kasta waxa uu ku soo diri karaa hadba xawaaladda uu la leeyahay macaamilka, isagoo ku soo caddeynaya magaca koontada oo ah "Dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif".

Maamulaha
agoonta.net
 

Go to homepage 
Copyright 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

 

www.agoonta.net