|
|

Walaalayaal sida aad ka warqabtaan agoonta ku xareysan "Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif" ee B/weyne tiradooduna tahay 112 agoomood oo aan dhammaantood haysan kafaalo joogto ah, waxa ay muddo dheer ku jireen guryo kiro ah, bilihii ugu dambeeyana waxaa lasoo dersay culeys xagga hoyga ah, kaddib markii iib lagu sheegay mid ka mid ah dhismihii ay ku jireen, iyadoo maalin walba ay dallaaleyda dhulku ku dul wareegayaan dhismahaas, taasoo sababtay in dad badan oo kheyrka jecel ay u istaageen sidii ay agoonta ugu heli lahaayeen dhul ay iyagu leeyihiin, iyadoo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee taladaas soo jeediyay, maadaama uu ka mid yahay raagga ugu horeeyay ee u ololeeya daryeelka agoonta, walaalihii uu talada usoo jeediyay ee dibadda iyo gudahaba joogayna ay ka hoos qaadeen codsigiisii, ayaa muddo kadib waxaa leysla gartay in agoonta qeyb laga siiyo iskoolkii Buundo weyne ee magaalada B/weyne, maadaama 20kii sano ee ugu dambeeyay uusan si rasmi ah u shaqeynin, qeybta lasiiyay oo ah qeybta waqooyi oo inteeda badan bannaan aheyd, noqotayna meel qashinka lagu shubo,

 xoolaha baqtiyana loo soo dheereeyo, habeenkiina lagu qayilo, oo ciyaalkuna ay kubadda ku ciyaaraan dhanka kalena aheyd meel howd ah oo laga cabsado sida sawirada ka arki doontaan,

 ayadoo la doonayo in deg-deg agoonta looga dhiso dhismo cusub oo hoy iyo waxbarashaba leh, si ay uga baxaan baahida dhuleed ee lasoo deristay.
 Haddaba iyadoo dhismihii biloowday madaama ay baahi deg deg ahi jirto ayaa walaalaha soomaaliyeed ee kheyrka jecel gudaha iyo dibaddaba waxaa si naxariis leh oo Alle dartiis ah looga codsanayaa iney gacan ka geystaan dhismaha dhulkaas loogu magac daray "dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif", dhammaan teen innagoo wada garaneyna agoonta oo  gacan la siiyo darajada ay Alle agtiisa ka taagan tahay ayaan mar labaad walaalaha muxsiniinta ka codsaneynaa iney nagu garab istaagaan dhismaha dhulkaas, waxaana jira guddi loo xil saaray dhismaha dhulka agoontaas oo ka kooban 15 qofood, oo loo bixiyay "guddiga dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif", magacyadooda & waliba telefoonadooda hoos ayaad ka heli doontaan, waxaana intaa dheer in xawaaladda Dahabshiil looga furay koonto lacagaha loogu soo shubi karo oo ah sida hos ku cad:
Liiska guddiga dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif
1- Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif +254722907283 2- X. Cismaan Dhagaxoow +252615564002 3- Ibraahim Cali Axmed (saneey) +252615327424 4- Nuur Cumar Cali +252615580621 5- C/qaadir Nuur Liibaan +2525965836 6- Sallaal Labani +252615564173 7- Xasan Max'ed Fareey (Computer) +252615578257 8- Aadan Sahrif Amiin +252615510392 9- Xasan Ibraahim Xalane +252615580669 10- Abuukar Cali Keynaan +252615564001 11- Muumin C/lle Xasan (M-dheere) +252615576093 12- C/llaahi Yuusuf Gaab +252615564087 13- Sh. Cumar Cali C/lle (C-lugeey) +252615221306 14- Saalim X. Cumar Jaabiri +252615517102 15- Xasan Cismaan Xuuriye +4748037525
Magaca koontada waa "Dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif" Xawaaladdu waa Dhabshiil Account nr.: BWYD000056
Wixii faah-faahin intaa dheer kala so xiriira telefoonada guddiga ama e-mailkan gudiga.agoonta@hotmail.com
Sidoo kale qof kasta waxa uu ku soo diri karaa hadba xawaaladda uu la leeyahay macaamilka, isagoo ku soo caddeynaya magaca koontada oo ah "Dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif".
Maamulaha agoonta.net
Go to homepage Copyright © 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye |
|