|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
|
قال تعالى: {يَسْأَلُونَكَ مَاذَا يُنْفِقُونَ قُلْ مَا أَنْفَقْتُمْ مِنْ خَيْرٍ فَلِلْوَالِدَيْنِ وَالأَقْرَبِينَ وَالْيَتَامَى وَالْمَسَاكِينِ وَابْنِ السَّبِيلِ وَمَا تَفْعَلُوا مِنْ خَيْرٍ فَإِنَّ اللَّهَ بِهِ عَلِيمٌ} (البقرة/الآية 215). وقال أيضا: {وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا وَبِذِي الْقُرْبَى وَالْيَتَامَى وَالْمَسَاكِينِ وَالْجَارِ ذِي الْقُرْبَى وَالْجَارِ الْجُنُبِ وَالصَّاحِبِ بِالْجَنْبِ وَابْنِ السَّبِيلِ وَمَا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ إِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ مَنْ كَانَ مُخْتَالًا فَخُورًا} (النساء/ الآية 36). وقال تعالى: {وَيَسْأَلونَكَ عَنِ الْيَتَامَى قُلْ إِصْلاحٌ لَهُمْ خَيْرٌ وَإِنْ تُخَالِطُوهُمْ فَإِخْوَانُكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ الْمُفْسِدَ مِنَ الْمُصْلِحِ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لاعْنَتَكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ} (البقرة/ من الآية220 ). وقال الله تعالى: {فَأَمَّا الْيَتِيمَ فَلا تَقْهَرْ} (الضحى: 9).
Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:: Agoonka ha u darnaan, waydiistahana ha guul guulin oo hadal san ku dheh. Suuradda Ad-Duxaa: Aayadaha 9-10. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: Ma aragtay kan diinta beeninaya? Kaasu waa kan agoonka takhantakheeya, wax siinta miskiinkana aan iska xil saarin (dadkana aan ku boorrin). Suuradda Al-Maacuun: Aayadaha 1-3. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "aniga iyo kan daryeela agoonka xigto ha la ahaado ama shisheeye ha ka ahaadee waxaynu ahaan doonnaa sida labadaa Jannada dhexdeeda; weriyaha xadiiska nabiga ka soo xigtay (oo ah Maalik bin Anas) wuxuu kor u taagay fardhexaada iyo murugsatada oo simay si uu arrintaasi u muujiyo" (Muslim). Sahal Ibn Sacad (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Aniga iyo kan agoonka daryeela waxynu gali Jannada innagoo sidaa oo kale ah wuxuuna kor u qaaday fardhexada iyo murugsatada oo simay oo isu dhaweeyey. (tusaale ahaan). (Bukhaari)
|
|
|
Copyright © 2007 agoonta.net All Rights Reserved, Disegned by Xasan C. Xuuriye |