Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. A2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






agoonta.net (AN) 06-04-13

Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne oo ay ku xareysan yihiin 116 agoomood ayaa la guddoonsiiyay dhar ka kooban sulwaal iyo shaati la siiyay agoon kasta, dharkaan ayaa waxaa ku sadaqeystay milkiilaha dawaarka Horseed , in kastoo ay qarashka tolliinka bixiyeen maamulka xarunta agoonta, Md. Daa'uud ayaa xiriir la soo sameeyay maamulka agoonta, una sheegay inuu ku sadaqeysano agoon kasta dhar looga tolo surwaal iyo shaati haddii maamulku ka bixinayo qiimaha tolliinka, taas oo fursad noo ahayd ayaan si shuruud la'aan ah u aqbalnay.

Markii agoon kasta la guddoonsiiyay dharkii cusbaa ayaa waxaa wejiyadooda laga dheehan karay farxad aad u ballaaran, mar aan qaarkood wareysanay ayey noo sheegeen iney u mahad naqayaan una duceynayaan ciddii ku saaciday dharkaan

Haddaba sidoo kale ayey maamulka, shaqaalaha iyo agoonta xaruntaan waxa ay wadajir ugu mahad naqayaan uguna duceynayaan milkiilaha Horseed Tailor Daa'uud Max'ed Daahiye iyo dhammaan shaqaalaha dawaarka Horseed.

2007-2013, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie