Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017



 



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Su'aalaha 1 & 2aad waxaa kasoo jawaabay:
1- Maxúud Xasan Ow-cali               (Somalia)
2- Aadan Cabdalla Mux'ed Amiin    (Sudan)
3- C/fataax C/llaahi Muuse              (Sweden
4- Suleymaan Daahir Cawil             (Jabuuti)
5- Dr. Khaalid Cali Sheekh              (Maleysia)
6- Max'ed-weli Sheekh Mustaf        (Somalia)

Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran.

S1- Waxaad sheegtaa magaca wiilkii Nabi Nuux ee ku kharaqmay (ku
        dhintay) biyihii, ee Alle (SWT) nebi Nuux (CS) uu ku yiri kamid ma
        aha Qoomkaaga
?
.
J1-  Wiilkaa magaciisu waa Kancaan Ibnu Nuux.

S2- Waxaad sheegtaa Qur'aanka meeqa suuradood ayaa ka biloowda xarafka
        (Qaaf), siada (Qul huwa allaahu)?.
J2-  Waa 8 suuradood oo kala ah:
        1- Suuradda 23aad (Al-mu'minuun)
        2-       "           50 "     (Qaaf)   
        3-       "           58 "     (Al-mujaadalah)
        4-       "           72 "     (Al-jinni)
        5-       "         109 "     (Al-kaafiruun)
        6-       "         112 "     (Al-ikhlaas)
        7-       "         113 "     (Al-falaq)
        8-       "         114 "     (An-naas).              

S3- Ninbaa Salaad uu tukanayay markii uu dhameeyay salaadii, ayaa markii
        uu dhanka midig u salaama naqsaday
aad u farxay, markii uu dhanka 
        bidix u salaama naqsadayna xaaskiisii ayaa ka furmay, haddaba 
        sheeg sababta
?.
J3-  Ninkaan walaalkii la waayay oo geeri lagu sheegay ayuu xaaskiisii
        dumaal ku qabay, salaama naqsiga 1aad wuxuu la farxay 
        walaakiis geeridda lagu sheegay oo agtaagan ayuu arkay, marka 
        2aadna xaaskaas ninkii qabay mar haddii la helo wey furmeysaa sidaas
        ayeyna uga furmatay.


Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

Copyright © All Rights Reserved to agoonta.net 2007-2010, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net