Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017



 



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

CUDUR-DAAR: Waxaan idiinka cudurdaareynaa  in qoraalka su'aasha 2aad uusan u qorneyn sidii aan u dooneynay, taasoo keentay in walaalaha badankood ay soo aruuriyeen inta jeer ee magacaas "Masjidul xaraam" kaliya qur'aanka lagu sheegay,  ka raali ahaada walaalayaal.

Waxaan ula jeednay (Masjidka xaramka meeqa magac ayuu leeyahay oo Qur'aanka lagu sheegay?), taasoo aan uga gol lahayn inaan uga faa'ideysano barashada magacyadaas kala duwan ee lagu tilmaamay xaramka, sida Masjidul xaraam, IWM. Insha'allaahu su'aalaha todobaadkaan ayaan kusoo dari doonaa ee ka faa'iideysi wacan.

Su'aalaha 1 & 3aad waxaa jawaabay walaalaha kala ah:
1- C/fitaax C/llaahi Muuse                  (Sweden)
2- Mustafe Faarax Mustafe                (Holland)
3- Cabdi Bashiir Axmed                      (Malta)
4- Shaafici Max'ed Weydoow             (Uganda)
5- Xasan Xaaji Ismaaciil                     (UAE)

Su'aalaha 3aad waxaa kasoo jawaabay:
1- Xasan Max'uud Sabriye                   (Somalia)
2- Samsam Saciid Khaliif                     (USA)

Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran.

S1- Waxaa sheegtaa Nebi Ismaaciil hooyadiis?.
J1-  Nebi Ismaaciil (CS) hooyadiis magaceeda waa Haajara.

S2- Waxaad sheegtaa Masjidul Xaramka immisa jeer ayaa Qur'aanka lagu
        sheegay, iyo suuradaha ay ku jiraan magacyadaas?.
J2-  Ka raali ahaada qoraalka su'aashaan oo qaldanaa awgeed todobaadkaan
        ayaan kusoo celineynaa iyadoo sax ah haddii Alle idmo.

S3- Sheeg Xawaan adduunka aad looga yaqaano, Soomaaliduna 
       ay jeceshahay, oo leh 8 suul?.
J3- Xayawaankaasi waa Geela
.

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

Copyright ©2007-2010  All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net