Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017



 



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Su'aalaha 1aad waxaa kasoo jawaabay:
1- Aadan Cabdalla Mux'ed Amiin    (Sudan)
2- Mustafe Faarax Muuse                (Holland)
3- Yuusuf Max'ed Nuune                  (Somalia)
4- Zubeyr Saalim Siidi                      (Saudi Arabia)
5- Ibraahim Macallim Muuse            (Norway)
6- Naciimo Cali                                 (Norway)

Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran.

S1- Sheeg aayad ka mid aayadaha Qura'aanka ee uu ku duceystay Nebi
        Muuse (CS), markii uu ka cararayay Fircoon?.
J1-  Aayadda Qura'aanka ka mid ah ee uu ku duceystay Nebi Muuse (CS) waa
        aayadda 21aad ee surat Al-qasas.

S2- Dagaalkii Xuneyn ama Dha'if qaniimadii laga helay markii la
        qeybsanaayay, sheeg magaca haweneydii Rasuulka (SCW) ku tiri waan 
        kula dhashay (xagga nuugmada)?.
J2-  Shaymaa bintul-Xaarith ibnu Cabdil-Cuza (Abuu-Kabsha).

S3- God ayaa dhererkiisu yahay 3m (saddex mitir), ballaciisuna yahay 1.5m 
        (mitir & bar), haddaba sheeg carrada ku jirta godkaas?.
J3-  Godka waxba kluma jiraan ee waa maran yahay, waxa ay u baahan
        tahay inaad maskaxda ka shaqeysiiso, lagugu ma dhihin god
        cabbirkiisu intaa yahay ayaaa carro ku jirtaa, ee sheeg cabbirka 
        carradaas.

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

Copyright © All Rights Reserved to agoonta.net 2007-2010, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net