|



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Su'aalaha dhammaan waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah: 1- Sh. Cali Sh. yuusuf (Kenya) 2- Bashaar Xaaji Max'ed (Norway)
Su'aalaha 2 & 3aad waxaa jawaabay walaalaha kala ah: 1- Aamino Macallin (UK) 2- Farxaan Daahir Cawil (Norway) 3- Caaliya Max'ed Cumar (Somalia)
Su'aalaha 3aad waxaa kasoo jawaabay: 1- Nasro Xasan Xaaji (USA) 2- Aweys Cilmi Cali (UK) 3- Waris Xaaji Saciid (USA) 4- Max'ed xaaji Maye (Yeman)
Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran.
S1- Waxaa jiray nin reer Yeman ah oo dadka jinniyada qaba ku tufi jiray oo waan ka daweeyaan dhihi jiray, ninkaasi mar uu magaalada Makka soo gaaray ayey reer Qureesh u yeereen oo ku yiraahdeen nin baa naga waashay ee kaalay ku tuf oo wax ku aqri, iyagoo ula jeeda Nebi Muxammed (SCW), ninkii Yemaniga ahaa ayaa u yimid Rasuulka (NNKH) si uu wax ugu aqriyo, laakiin markii uu lakulmay Nebiga (NNKH) oo uu u sheegay inuu doonayo inuu jinka iyo waxa waalay ka daweynayo, Nebigu waxa uu bilaabay inuu aqriyo Xamdalada aan wada naqaan oo ah "Innal xamda lillaahi naxmaduhu wanastaciinuhu wanastagfiruhu ...........", Yemanigii ayaa yiri war bal kuceli oo Rasuulkuna ku celiay, haddana iigu celi ayuu yiri oo ugu celiyay, kadibna halkii uu inuu wax daweyo laga rabay isagii ayaa halkii ku islaamay, haddaba waa kuma saxaabigaasi sheeg magiciisa?. J1- Saxaabigaasi waa thamad al-azdi (RC).
S2- Waxaad sheegtaa Saxaabigii Malaa'iktu ka xishoon jirtay?. J2- Saxaabigaasi waa Cismaan Bin Cafaan (RC).
S3- Geedmiroodka wadankeena ka baxa waxaa ka mid ah geed waxa uu dhalo aan aad u wada jecelnahay yar iyo weynba, waxa uuna ka kooban yahay 4 xaraf kaliya, haddii 4taa xaraf gadaal laga soo aqriyo waxaa kuu soo baxaya magaca cibaado ku waajib ah qof kasta oo muslim ah ee qaan gaar ah ee weliba miyir qaba, awoodana inuu cibaadadaas (Waajibaadkaas) guto, haddaba sheeg mirahaas?. J3- Geedmiroodkaasi waa Moos, oo markii xagga dambe laga soo aqriyo waa Soom, waana tiirka afaar ee tiirarka islaamka?.
Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadka dambe kala soco bogaa hore dhanka bidixda, ee halxiraalayaasha.
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Go to homepage
Copyright ©2007-2010 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye |