|
|
|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |
|

|

Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Su'aalaha dhammaan waxaa ka soo jawaabay: 1- C/rashiid Cawil Saleebaan (UAE) 2- Max'ed Xuseen Cabdi (Somalia)
Su'aasha 1 & 2aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah: 1- Mahad Cawaale Cilmi (Newzealand) 2- Aweys Axmed Xaaji (Kenya) 3- Cilmi Cali Cismaan (Norway) 4- Maymuuna Xaaji Iikar (Somalia) 5- Xuseen Max'ed Cali (U.K.) 6- Asma Suleymaan Cilmi (Norway) 7- Muniira Max'ed Xuseen (U.K.) 8- C/qaadir Mustaf C/lle (USA) 9- Saalax Warsame Xasan (Finland)
Su'aasha 3aad waxaa jawaabay walaalaha kala ah: 1- Max'ed Waasuge Cismaan (Canada) 2- Farxiya Yuusuf Cilmi (UK) 3- Shire Muuse Nuur (Denmark)
S1- Sheeg magaaladda Madiina magacii loo yaqiin islaamka ka hor?. J1- Madiina islaamka ka hor waxaa loo yaqiin Yathrib.
S2- Sheeg Nebiga (SCW) adeeradiis kii ugu yaraa magaciisa?. J2- Nebiga (SCW) adeeradii waxaa ugu yaraa Xamza Ibn Cabdi Muthalib (RC).
S3- Seddex nin ayaa yimid hoteel si ay qol uga kiraystaan, Maamulihii hoteelka ayaa ku yiri waa $30, sidaa awgeed midkiiba waxa uu bixiyey $10, nimankii markay qolkoodii aadeen ayuu maamulihii xusuustay in kirada qolku ahayd $25, adeegihii hoteelka ayuu ugu dhiibay $5 si uu ugu cesho, adeegihii $2 ayuu jeebka iska gashtay, raggiina wuxuu u ceshay $3, wuxuu u sheegay in kirada qolku ahayd $27, nin walbana $1 ayuu la noqday, oo ninkiiba waxa ka baxay $9, haddaba (9x3=27), waxaad ku dartaa $2 oo adeegihii qaatay 27+2 = 29, halkee ka baxay doollarkii haray?. J3- Lacagta waxba kama maqna, $30 ee laga qaaday $25 Hotelka ayaa qaatay, $2 Shaqaalihii ayaa jeebka gashtay, $3 iyaga ayaa loo soo celiyay, isku darkeedana waa $30.
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Go to homepage @ 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |
|